Doorashada xildhibaanada Soomaaliya oo la filayo inay mardhow bilaabato

Soomaaliya waxaa kol dhow ka bilaabaneysa doorashada lagu xulanayo xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Hanaanka ayaa noqon doono mid ay 14 kun oo ergo, oo la soo xulay, ay ku doortaan 275 xildhibaan.

Tirada ergadaasi waxay u dhigantaa boqolkiiba 0.2 shacabka Soomaaliya.



Doorashada qaabkan ah ayaa lagu tilmaamay inay tahay arrin aad u adag.

Balse, Qaramada Midoobeey doorashadan waxay u aragtaa inay tahay tallaabo horey loo qaaday.

Waxay UN aaminsan tahay in arrintan ay dhallin karto in ugu dambeyn la gaaro heer shacabka ay doortaan qofka ay doonayaan.
Qaramada Midoobeey ayaa ra jeyneyso in tallaabadaasi la gaaro sanadka 2020-ka.

Doorashada madaxweynaha ayaa la filayaa inay qabsoonto dhammaadka bisha soo socota.


Soomaaliya waxaa kasoo kabsaneysaa dagaallo sokeeye oo in kabadan 20 sano dalka ka socday.