Faaidooyinka Afakaadhada Iyo Sida Jirka & Timaha Loogu Qurxiyo

Faaidooyinka Afakaadhada Iyo Sida Jirka & Timaha Loogu Qurxiyo

Avocado-du waxay ka mid tahay cuntooyinka la isku raacay inay yihiin Super-food, waxaa ku jira saliido jidhka iyo timahaba faaiidooyin badan u leh. Afakaadhada waxaa laga sameeya waxyaabo badan caafimaadka iyo qurux loo adeegsado sida kareemada wajiga la marsado, daawooyinka timaha la mariyo iyo weliba shaambooyinka lagu qubaysto.
Faaidooyinka afakaadhada ee marka khudaar ahaan loo cuno ama cabitaan ahaan loo shiito ama korka lagu dhaashado waxaa ka mid ah:


1. Waxay daawaysaa cudurada duubka (maqaarka) ku dhaca, sida Psoriasis, eczema(canbaarta), acne, laalaabka wajiga (wrinkles) qalaylka maqaarka iyo qaar kale.
2. Avocado-da waxaa ku jira monounsaturated fats, phytosterols iyo antioxidants sida vitamin E oo jirka nafaqo u yeela
3. Waxay bixisaa timaha
4. Waxaa ku jira monounsaturated fats oo cholestrol dajinta u fiican
5. Fatty Acid oo hoos u dhiga khatarta wadna xanuunka.
6 Waxay ka hortagtaa kansarka
7. waxay u wanaagsantahay dumarka uurka leh inay cunaan.
8. Waxay hoos u dhigtaa dhiig karka.
9. Waxay kobcisaa caafimaadka indhaha,
10. Waxay caawisaa luminta miisaanka (cayilka)
11. Waxay la dagaalantaa af qarmuunka

Sida wajiga loogu qurxiyo: Avocado-Honey-and-Yoghurt-Face-Mask
Waxaad isku dartaa jeex (half) avocado ah, 1 qaado oo malab ah iyo 1  qaado oo caanaha garoorka ah (yogurt). Yogurt-ka wuxuu u fiicanayahay finanka wajiga (acne) sababtoo waxaa ku jirta maado la yiraahdo lactic acid oo bakteeriyada disha.
Wajiga isaga mayr biyo qandac ah,  farahaagana si fiican u  nadiifi kadibna waxaad wajiga  marsataa avocado-dii malabkii iyo yogurt-kii aad isku qastay adigoo u daynaya mudo 1 saac ah. kadibna iska mayr oo isaga qallaji shukumaan nadiif ah. mask-haan wajiga ayuu ifiyaa waxa uu baabi’iyaa finanka iyo haraha.
Sida avocado-da timaha loogu nafaqeeyo:
Waxaad isku qastaa jeex avocado ah iyo 2 xabo oo ukun ah (qaybta jaallaha ah ee ukunta/ egg yolk) iyo 2 qaado oo saliid saytuun ah, kadib timaha mari oo madaxa bac ku xiro adigoo u daynaya mudo 20 daqiiqo ah kadibna iska mayr adigoo isticmaalaya biyo qabow iyo shaambo. Asbuucii 2 jeer sidaan samee
Mask-haan waxaad ka faaidaysaa  timuhu way kuu dheeraanayaan salka ayayna ka adkaanayaan oo si fudud kuma go’ayaan, inta waxaa dheer qurux iyo dhalaal ayaa u siyaadaysa timahaaga insha Allah.
thumbnail Title: Faaidooyinka Afakaadhada Iyo Sida Jirka & Timaha Loogu Qurxiyo
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-03T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Faaidooyinka Afakaadhada Iyo Sida Jirka & Timaha Loogu Qurxiyo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 03, 2016 and have 0 comments