Faaidooyinka Caanaha Garoorka Ah (Yogurt) Iyo Sida Jirka loogu Qurxiyo

Yogartka ( caanaha garoorka ah ) waxaa la isticmaalayey boqolaal sano si loogu quruxiyo wajiga, aadna waxaa u isticmalayey hindida iyo bakistaanta.

Yogartka cadi waa noocyo, nooc waa rasiim ( adayg ) noocna wuu jilicsanyahay, dhamaantood kuu doono ha ahaadee waad isticmaali kartaa.


Yogurtka waxaa ku jira macdanta zink  iyo lactic acid kuwaasoo kaalin muhiim ah ka qaata caafimaadka maqaarka jirka. Yogurt-ku waxaa uu baabibi’iya dhibcaha madmadow ee wejija, waxaa maqaarka jirka ka dhigaa mid ifaya, waxa uu la dagaalama finanka wejiga (acne), waxaa ka takhalusaa madawga indhaha hoostooda ( Under Eye Dark Circles) sidoo kale yougurt-ku waxaa uu ka hortagaa caalamadaha gabowga ee maqaarka jirka, intaa waxaa dheer yogurtku waxaa uu wax wayn ka taraa caafimaadka iyo quruxda timaha.

Waxaad samayn kartaa sidan:

Yogartka mari wejiga sidii maske ahaan, kadib iska dhaq 10-15 daqiiqo kadib.
Waxaad shiida furuudka advokadaha la dhaho, kadib waxaad kula dartaa yogarka, kadibna marso oo iska dhaq 20 daqiiqo kadib.
Waxaad shiidaa qajaarka, kadib isku dar isaga iyo yoogarka oo marso wajiga kadibna iska dhaq 20 daqiiqo kadib.
Waxaad isku dartaa caanaha yogurt-ka, 1 qaando saliida saytuunka ah (olive oil) ama almond oil iyo 1 qaando oo liin dhanaan ah kadibna wejiga marso adigoo u daynaya mudo 25-30 daqiiqo ah, kadibna biyo qandac ah isaga mayr maske haan wuxuu ka baabibi’inayaa duuduubka wejiga iyo baraha mad-madow.
Waxaad isku qastaa 1 qaando oo malab ah, 2 qaando oo caanaha yogurt-ka ah iyo ukun, marso wejiga hana kuu saarnaado mudo 20 daqiiqo ah kadib biyo qandac ah isaga mayr.
si aad isaga joojiso timaha daadanaya waxaad isku dartaa babay iyo caanaha yogurt kadib timaha marso una daa mudo 1 saac ah kadibna iska mayr adigoo isticmaalaya shaambo.