fariimo jaceyl dhab ah oo kooban

Sahal maahan caashaqa hadaan lagula

sideynin sibir waaka qaraar yahay

samada iyo dhulka dhaxdooda saan

qaadku badanaa samirkuna wacanaa

silsilad waaye dunidaane hadba si kugu

soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa

furiin maxaa ka dhigay?.




Suuban waxaan kaliya Dadka kaala soobaxay Suugaan

kuugu tiriyaa  Samo kuugu dhawraa Samaan kuugu heesaa

Suleekha kuugu yeedhaa Wanaagaaga u,sida  Sidii sabi

dhalaameed Saxar kaaga ilaashaa Waa jacal i,saarnaa

Sadax iyo toban sano  Sidii tiriig siraadnaa Ayaa igu

siyaadoo  Saameeyay molashoo Aan laseexan waayoo

Saqda dhaxe i,mira,oo Sahwi igu salaamoo  Sanka iga

duleelshoo Suudiyo cadceedkulul  Saynabeey i,dhigayoo

Maanta aan lasoognahay  Hadba dhinac ii,sida,oo

Marba,aan lasarakici  Naftu way siloontoo Samir qaadan

waysoo.



Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo,

xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma

gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo

malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku

haaya.

14716112_318887881814452_7453150065395728048_n

Dadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa

dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul

aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado,

daahirii rasuulkeena iyo daa’inkii na abuurtaan dartood aan kugu

deeyay.

xiiso caashaqeynii xaashaa lillahiye xushmad buu

muteestay xulashadi haweenkay xil tii iga mudneydey

xaalkaadu siduu yahay xiskaad iiga tiiloo waan kuu

xakaaraye xaajiyo sidee tahay xalay aawadaabaa xarig

laygu taagoo xamaaskeygu baxayee xamar baan u

xiisaye xaalkiis war iga sii.



Nolosha jaceylka

Iga hano salaan kalgaceyl iyo xubbi ku dheehan. waa naf

dooratay aragtidaada, damiirkeeda  shaqsiyadeedna uu

cabbiray in aad adiga u noqon

karto hormuud. Taasoo ay

sababtay gacalo nafteeyda oo

kuu qabto haraad xooggan.

Waxay hanashadaadu ii tahay

horumarka nolosha,

horjoogaaguna waa ii naruuro, la noolanshahaaga waa ii

nasteexo, la aantaa noloshu wax micno ah ii ma

sameeyneyso.Waxaan ahay asaagaa kaa eeganaya

aadmiga oo idil. Waxyeelku waa xumo gurigeed.

Doonisteydu waa mid saldhigeedu yahay mustaqbalka

aayaha danbe. Indho urooneey, hididdiiladeydu waxay ku

haboonaan lahayd anigoo hooy kula gala oo aad noqoto

hooyo ubad leh. Sibiq tii sal iyo baar ku saaqday

nafteeydaay. Sekenkaan soo xusuustaa suuradaada

wacaniyo, suubanaanta asluubtiyo samirkiyo dulqaadkaa,

salalaa saqdii dhexe. samri waayay saluuglaay, saadaashii

nafteeydaay, soow suntiisii jaceylku ima goynin seedaha,

saacaddii i dhaaftana salaloo ma seexdo`e. Saafidaan

jeclayeey silic dilyootay nafteeyduye. Samri waayay l

a`aantaa, samri waayay la`aantaa, samri waayay l