Ila Tali: Nin ayaa isoo doontay

Magaceyga waa Ifraax Xassan, degan xaafada Madiino magaalda Muqdisho, waxaan nahay reer ubadan gabdho, waxaa jiro gabdho iga waa wayn, aniga 17 jir ayaan ahay, 

waxaa jiro gabdhaha iga waa wayn oo aan la aroosin, mida noogu wayn waa 24 jir, waxaa isoo doontay nin dagan Finland, 

reerkeyga waxay isoo bandhigeen arinta guurka, anigane waxaan ku iri waalidkeyga in la iga hormariyo waalaalaheyga iga wayn, waan ka xishooday iyaga oo jooga in aan aniga guursado, 

taladii aan soo jeediyay waxaa loogula laabtay ninkii isoo doontay, wuuna diiday wuxuuna yiri waxaan doonayaa Ifraax.


Aniga wali qof xiriir mala lihi, waxaan ahay gabar gurigeeda iyo waxbarashadeeda iyo shaqada guriga ku mashquulsan, arintaan la ii soo jeediyay waan yara saluug sanahay sidaa waxaan uleeyahay ninka isoo doontay ma aqaano dabcigiisa iyo in uu yahay nin aniga iqancin karo, sawiradiisa waan arkay mana xuma balse nafsada ayaa wali dareemeen ku qanacsi la aan, dhanka kalane arinta waxaan la rabaa gabdhaha iga waawayn in ay iiga hormaraan guurka.

Sidee u aragtaa ninkaan in uu diido walaalaheey? sidee uragtaa anigane aragtideyda ah in lagu daro gabdhaha iga wayn? ma isleedahay nin kaa maqan ayaa wax tar kuu noqonayo? ila tali hadii aad aqrisato warbixintayda waadna mahadsantihiin.

W/Q: Daalac Daahir Shoot

E-mail: daalac9@hotmail.com