Kajol oo India uga dhooftey si ay u booqato Jaceylkeeda.

Kajol oo India uga dhooftey si ay u booqato Jaceylkeeda.

Kajol Devgn iyo labadeeda caruur Nyasa Devgn iyo Yug Devgn ayaa dalka Bulgaria u amba baxeen si ay waqti ula soo qaataan Ajay Devgn oo halkaas ku sugnaa tan iyo bilawgii sanadkan.

Ajay Devgn ayaa aad ugu mashquulsan dhameestirka filimkiisa weyn Shivaay ee dalka Bulgaria lagu duubayo qaybihiisa ugu muhiimsan.

Hadaba Kajol ayaa farxad galisay seygeeda Ajay Devgn madaama ay si lama filaan ah dalka Bulgaria ugu booqatay iyada caruurteeda.

Ajay Devgn ayaa ku farxay in qoyskiisa oo dhameestiran inay soo booqdeen sidoo kalena ay la qaateen waqti qaali ah madaama Super Star-kan uu aad ugu mashquulsan yahay filimka Shivaay ee uu Director, qarash gareeye iyo atoore kowaad ka yahay.



Sida sawirka ka muuqato Ajay ayaa xambaarsan wiilkiisa Yug Devgn halka Kajol ay iyadana sawirka la gashay gabadheeda Nyasa Devgn.

Filimka Shivaay ayaa lagu wadaa in daafaha caalamka laga daawado dabyaaqada bisha October gaar ahaan Diwali 2016 ayaa la daawan doonaa.
thumbnail Title: Kajol oo India uga dhooftey si ay u booqato Jaceylkeeda.
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-11T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kajol oo India uga dhooftey si ay u booqato Jaceylkeeda.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 11, 2016 and have 0 comments