Maamullada Puntland iyo Galmudug oo beeniyay in Itoobiya ay heshiisiisay

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo beeniyay in Itoobiya ay heshiisiisay

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxa ay beeniyeen in Itoobiya ay heshiis dhex dhigtay oo ku saabsan dagaalkii Gaalkacyo.
Wasiirka amniga ee Galmudug Itoobiya ayaa sheegtay in saraakiil ka socda Itoobiya ay heshiisiiyeen maamullada Puntland iyo Galmudug oo dhowaan ku dagaallamay Gaalkacyo.
Wasiirka amniga ee Galmudug, Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed, ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in labada dhinac lagu heshiisiiyo, balse weli aysan kulmin.


Dhanka Puntland, Wasiirka deegaanka, Cali Cabdullahi Warsame, ayaa tilmaamay inuusan jirin kullan dhexmaray labada dhinac iyo wax lagu heshiiyay.
Hadalladan ayaa imaanaya kaddib markii war lagu qoray bagga ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya lagu sheegay in dhinacyda ay qateen heshiiskan nabadeed.
Waxaa warkan ka soo baxay Itoobiya lagu xusay in Puntland iyo Galmudug ay fullin doonaan heshiis xabbad joojin ah iyo inay ka fogaadaan wax kastoo colaadda kicin kara.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen "in la joojiyo dhismaha suuq xoolo, in garoonka diyaaradaha ee Galmudug uu dib u howlgalo, iyo in la sameeyo guddi wasiiro oo labada dhinac ka kala socda".
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheegay in guddiga wasiirada ay ka qeybgalayaan shir laba geesood ah oo ay qaban doonaan hogaamiyayaasha Madasha Qaranka Soomaaliya.
bishii December ee 2015kii ayaa waxaa laba dhinac heshiis kala dhex dhigay dowladda Federaalka.
Sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobeey ee UNHCR, ugu yaraan 50,000 oo qof ayaa ka qaxay dagaalkii ugu dambeeyay ee Gaalkacyo.
thumbnail Title: Maamullada Puntland iyo Galmudug oo beeniyay in Itoobiya ay heshiisiisay
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-19T19:22:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Maamullada Puntland iyo Galmudug oo beeniyay in Itoobiya ay heshiisiisay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 19, 2016 and have 0 comments