Madax Jabiska Al Shabaab Sargaal katirsanaa oo Qaab Cusub Loo Dilay

Waxaa Magaalada Muqdisho Shalay Gelinkii Dambe Koox Hubeysan ay ku dileen Sargaal katirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Degmada Hodan waxaana geystay Dableey Bistoolado Ku Hubeysnaa Dilka Kadibna iskaga Baxsaday Goobta.

Howlgal Ciidanka Amniga Ay Sameeyeen ayey Ku toogteen baa la yiri mid ka mid ah Madax Jabiska Al Shabaab Ee ku lugta Lahaa Dilka Sargaalka Loo Geystay.

Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegtay in Al Shabaab ay ka dileen Amniyaatka Wax udila Mid ka mid ah kaasi oo ka qeyb qaatay Dilka Shalay Galab lagu fuliyey Marxuum Ex Gaashaanle Sare Siyaad Axmed Maxamed.


Ma ahan markii ugu horeysay oo Sargaal katirsanaa Madax Jabiska Al Shabaab lagu Dilo Magaalada Muqdisho.