MADHALAYSNIMADA NINKA

MADHALAYSNIMADA NINKA

Sababaha ugu waaweyn ee ninka ku keena madhalaysnimada waxaa kamid ah:

1- Ciniinnimo:- Ciniinnimadu waxa weeye inay ninka ku dhacdo tamardarri jinsiyeed iyo inuu galmada dhamaystiri waayo. Taasi waxa keeni kara geedkiisa oo si buuxda u kici waaya ama gebi 
ahaanba aan kicin. Baab dhan baannu kaga hadalnay ciniinnimada.


2- Degdeg u biyabbax:- In kasta oo geedku uu si buuxda u kacayo haddana biyaha ayuu tuuraa isla marka ay dhalfadu cambarka gasho amaba inta lagu jiro hordhaca, kolkaasi oo intuu damo uu tamar dhigo.


3- Xawada oo aan bislayn :- Amaba tiradooda iyo inta ka nooli ay yaryihiin, taasi oo markaasi keenaysa inay xawadu awood u yeelan weydo inay wax faxasho.