Muqdisho: Masaajidka Arbaca Rukun oo dib loo furay

Muqdisho: Masaajidka Arbaca Rukun oo dib loo furay

Masaajidka Arbaca Rukun ayaa dib loo furay kadib muddo dheer oo uu xirnaa.

Masaajidka Arbaca Rukun ayaa ah masjid qadiimi ah. Wuxuu masaajidkaasi dhisnaa muddo 771 sano ah.

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf  Xuseen Jimcaale ayaa shalay xariga ka jaray masjidka qadiimiga ah ee Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne.



Waxaa kaloo dib u furida masaajidka kasoo qeyb galay safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Beeker.

 Masjidkaa ayaa xirnaa muddo rubac qarni ah oo dalka colaado sokeeye ka jireen.

Waxaa dayactirka iska kaashaday maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Turkiga.

Kasokow xubno kale oo kasocday maamulka Banaadir iyo safaarada Turkiga waxaa dib u furitaanka masaajidka kasoo qeyb galay masuuliyiin kasocday Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, culumaa’udiin badan iyo qeybaha kale ee bulshada.
thumbnail Title: Muqdisho: Masaajidka Arbaca Rukun oo dib loo furay
Posted by:galmada Net
Published :2016-10-21T03:41:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Muqdisho: Masaajidka Arbaca Rukun oo dib loo furay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at October 21, 2016 and have 0 comments