SEEGADA IYO DIINTA ISLAAMKA

SEEGADA IYO DIINTA ISLAAMKA
Eebbe Subxaanahu Watacaale waxa uu Aayadaha Qur’aanka ku leeyahay:
(kuwa xubnohooda taran dhowra. Aan ka ahayn xaasaskooda iyo addoomadooda ayagu eed ma laha. dadkiise intaa kadib wax ka doonaa way xad gudbeen. Suurat Al Mu’minuun: 5-7).
Aayadahaa Qur’aanka ah waxa kaaga iftiimaya in ruuxii macaan iyo raaxo ku doona hab aan galmo xalaal ah ahayni uu xadkii Eebbe gudbay.

Rasuulkeenna suubban Muxammad (SCW) waxa laga weriyey Xadiis uu ku yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee). Xadiiska waxa soo saaray Muslim iyo Bukhaari.


Haddaba hadduu Rasuulku (SCW) ogyahay faa’iido ay caadada sirta ah (Seego) leedahay, dhallinyarada ayuu ku boorrin lahaa, waxase uu koodii awood (Meher, Marasho iyo Masruuf) heli kara, ku boorriyey inuu guursado, kaan awoodinna inuu shahwada isaga jebiyo qaab cibaado ah (Soon) ajarna ka helayo, dhibaatadii shahwadana iskaga reebayo.
Culimada diinta Islaamka intoodii badnayd way xaaraantinimeeyeen Seegada (Caadada sirta ah). Mad-habadaha Shaaficiya, Maalikiya iyo Xanbaliya intuba way xaaraantinimeeyeen iyagoo u daliishanaya Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay ee Suurat Al-Mu’minuun ku jira. Madhabta Xanafiya, iyadu waxay leedahay Seegadu assal ahaan waa xaaraan, waxayse ku bannaanaan kartaa saddex shardi haddii si wadajir ah loo helo:
1- In uusan ninku naag qabin.
2- Inuu isaga baqayo xaaraan (Sino) uu ku dhaco haddaanu seegaysan. Taasi oo diinta loogu yeero: “Laba daran tii dembi yar dooro”.
3- In uusan ula jeedin inuu ku raaxaysto, balse ula jeedo inuu shahwada isaga jebiyo.
Haddaba Seegadu guud ahaan diinta Islaamka waa ku xaaraan, maadaama aanay ahayn qaabkii dabiiciga ahaa ee uu Eebbe ugu talagalay in shahwada la’isaga shubo, balse ay tahay wadiiqo weecsan, qofkana waxay barto waxay baddaa uga daran, hadduu mar qofku qabatimana siduu naftiisa u qabto oo isaga gooyaa ay adagtahay.