Shahid Kapoor oo la yimid Muuqaal Cajiib ah (Ma rumeysan kartaa in muuqaalkani uu isaga yahay?)

Shahid Kapoor ayaa la yimid muuqaal aan looga baranin taasi oo u hadal heynta Bollywood Town kula wareegay xidigan la wada jecel yahay.

Hadaba Shahid Kapoor ayaa laga soo bandhigay sawirka sare ka muuqdo xili uu duubista filimkiisa Rangoon ku guda jiray waxaana muuqato in Shahid uu gabi ahaanba isbadal aan caadi hayan uu muuqaalkiisa ku sameeyay.

Shahid wuxuu yiri “Ugu dambeyntii waan soo laabtay kadib markii aan aad ugu mashquulsana filimkeygii ugu dhibka badnaa daalka badana aan ka qaaday”

Filimka Rangoon ee uu Director Vishal Bhardwaj iska leeyahay waxaa Shahid Kapoor ku wehliyaan Saif Ali Khan iyo Kangana Ranaut.

Rangoon waa filim jeceyl sedex geesood iyo dhacdadii dagaalkii labaad ee aduunka ku lifaaqay wuxuuna ka mid yahay filimada sanadkan 2016 sida weyn loo sugaayo ayadoo qorshaha uu yahay in 30 bisha September filimkan la daawado.