TOBAN QARNI IYO TAARIIKHDA SOOMAALIDII HORE

Sep 22, 2005 By:W:Q:C/laahi Xasan Maxamuud (khaliil)
Qaybtii 1-aad
Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa muddo badan wuxuu soo maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey deegaanka.
Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.
Taariikhdaan oo aan ka soo dheeganeeno Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalo Xeebeedyada Soomaaliya imaan jiray.


Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.
Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?, xaggee ka yimid magaca Muqdisho iyo magacyada Xamarweyne iyo Shangaani?, muxuu ku yimid magaca Gaalkacyo?, sidee ku aas aasantay magaalada Baraawe magacuse ugu baxay?, muxuu magaca War-shiikh ku yimid?, halkeese ka yimid magaca Cadale?.
Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya?, imisa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen?, sidee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa?, goorma ayey ahayd markii ugu horreysay ee Soomaaliya lagu dhigay xaflad lagu xusayo Mowliidka Nebiga NNKH.
Intaas oo su?aalood iyo kuwo ka badan waxaa Sabti kasta idinkaga jawaabaya akhristayaal Bogga Xulasho, waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno waa Maxay Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah oo aan taariikh sugan loo hayn, ayse magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.
Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray, taariikhdaasoo aan iyadana la aqoon waqtigeed cayiman.
Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan in haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanka dadeysan ama la degan yahay ee dhulka Soomaalida.

Sidee Ku Baxay Magaca Muqdisho?
Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya kuna taala Xeebta Badweynta Hindiya waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dalka Soomaaliya iyo weliba magaalooyinka dunida. Taariikhyahanadu waxay sheegaan in magaca Muqdisho uu ka yimid amaba loogu magac darray Maqcaddu shaah oo macnaheedu yahay goobta uu fariisto Boqorka cajabiga ah ee aan Carabka ahayn.
Markii uu caan noqday Makaanu fadhiga loogu magic darray Caasimada taariikh aan la ogeyn ayey qubaro Carab ahi soo gaabgaabiyeen labada eray ee is garab yaal ee Maqcad iyo Shaah oo ay ka soo dhigeen Muqdisho.
Erayga Maqcad ayaa waxaa laga jaray xarafka caynka, markaas ayaa la isi saaray kalimadaha Maqad iyo Shaah, markaas ayuu Eraygii ku noqday Maqad-shaah, iyadoo haddana xarafka Alif ee ku jira Shaah marka uu Carabi ahaan u qoran yahay loo beddelay Waaw ama ?W?, markaasoo uu magacii noqday Muqdishoh, intaas kaddib dadka qaar kuwana sidaan ayey u adeegsan jireen, kuwa kalana xarafka ?H? ayey tuureen oo ay yiraahdeen ?Muqdisho? oo ah sida loo badan yahay haddana inta badan loo isticmaalo. Taariikhdaas fog waxay dadka qaar qabeen in magaca Muqdishoh uu asal ahaan ka yimid goobtii Xoolaha lagu kala gadanaayey, waxayna dadkii wax qori jira ee xilligaas inta badan adeegsan jireen ku dhawaaqitaanka ah ?Muqdishoh?. Dhammadkii Qarnigii 15-aad mar Bortaqiisku ay qabsadeen Xeebaha Bariga Afrika ayey iyaguna ugu yeereen magaca magaaladaan ?Mogadixo? oo dhawaaq ahaan ay Carabiga is shabahaan maadaama xarafka ?X? afafka Bortaqiiska iyo Spanish-ka uu ku yahay xagga dhawaqa ?Sh?.

Qeybtii 2-aad
Magaalada Muqdisho oo aan horey u soo sheegnay inay ka mid tahay magaalooyinka ugu da?da weyn dunida waxay leedahay xaafado fara badan oo laakiin taariikhda aasaaskoodu uu kula dambeeyey.
Xaafadaha Muqdisho waxaa ugu horreeyey uguna da? weyn Xamarweyne oo hadda degmo ah, waxaana ku soo xigay xaafaddii Shangaani oo imminka iyaduna degmo ah, xaafadaha kale ee Muqdishana wey ka dambeeyaan labadaan qadiimka ah.
Sidee ku baxay magaca Xamarweyne?
Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in Xamarweyne oo ku taala Xeebta Muqdisho waqtiyadii hore laysku oran jiray laga soo bilaabo degmada Karaan ilaa Xeebta Xamar-yare oo hadda loo yaqaano Xamar-jajab.
Shariif Caydaruus oo ka mid ah Taariikhyahanadii Soomaaliya wax ka qoray waxa uu sheegay in magaca Xamarweyne uu baxay kaddib markii halka hadda loo yaqaano uu soo gaaray nin Lug ka hitinaya isagoo watay hal gaduudan, isla markaana ay Haweeeneydiisu ku hoggaamneysay.
Markii uu soo gaaray goobtii horey loo oron jiray Mal-mala oo ku taalay meel ku dhow Masaajidka Arbaca-rukun ayuu joogsaday, wuxuuna ka degay Hashii xilli Salaaddii maqrib ay soo dhaweyd si ay u tukadaan isaga iyo haweenaydiisu, iyagoo weyso qaadanaya ayaa waxaa u yimid afar qofood oo safar ah, salaan ayeyna is dhaafsadeen.
Markii ay isla tukadeen kaddib ayaa afartii qof ee ninka Hasha-watay u yimid waxa ay ka codsadeen in uu marti qaado, wuxuuna u sheegay in isaguba uu yahay qof safar ku ah meesha oo aanuu deganeyn, haddana wuxuu ka aqbalay inuu habeenkaas noqdo sida nin meesha degan oo uu marti qaado dadkaas safarka ah uuna u gowraco Hashii kaliya ee uu gaadiid ahaan u watay.
Hashii ayaa la gowracay, hilibkeedii ayaana habeenkaas la waday cunay, xilligii hurdada ayaa kuwii martida ahaa waxay ka codsadeen martiqaadihii in uu u keeno maqaarka Hasha oo uu agtooda ku soo fidiyo, wuuna ka aqbalay.
Martiqaadihii iyo Haweeneydiisii meel ayey wada jiifteen, kuwii ay marti qaadeena meel kale ayey jiifteen, Salaadda subax ayaana la waday kacay, waana la wada dukaday, wax yar kaddib ayuu ninkii diray haweeneydisii, isagoo ku amray inay soo eegto xaaladda dadkii martida ahaa, markii ay meesha tagtay weyba maqan yihiin, waxaana meeshii yaala Maqaarkii oo ay ku jiraan jajab dahab ah.
Haweeneydii wey soo laabatay, ninkeedii ayeyna arrinta u sheegtay, markaas ayey dahabkii qaateen iyagoo bilaabay aas-aas deegaaneed cusub kaasoo markii dambe noqday mid aad u camiran looguna magic daray Xamarweyne ka dib markii dad badaini soo degeen.
Marka magaca Xamarweyne ayaa waxa uu iska saaran yahay labo eray oo midkood yahay Carabi, midka kalana yahay Soomaali, kuwaasoo kala ah (Xamra) oo loola jeedo Hashii gaduudneyd iyo (Weyn) oo loola jeeday maqaarkii weynaa ee Dahabka faraha badan laga dhex helay laguna dhisay deegaankaan weyn ee Xamar-wayne.

Sidee Ku Baxay Magaca Shangaani?
Shangaani waa degmada labaad ee ugu da?da weyn magaalada Muqdisho, waxayna taariikhyahanadu sheegeen in magacaan ay bixiyeen culimadii Neysaaburiyiinta oo ka mid ahaa dadyowgii islaamkaa ahaa ee deegaanadaan soo geli jiray, waxayna magaca bixiyeen markii ay dageen Shangaani oo markaas aan magacaan lahayn.
Magacaan ayey culimadaasi ka keeneen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Neysaabuur oo ay iyagu ka yimaadeen, isla markaana la dhihi jiray mid ka mid ah xaafadaheeda Shangaani.
Qaar kale oo ka tirsan taariikhyahanada ayaa sheegay taa mid ka beddelan iyagoo ku doodday in magaca Shangaani uu ka yimid buur ku dhow Badda oo meel ka mid ahi intey dilaacday ay ka soo gudbi jireen biyaha Badda, iyadoo meeshaas ay dadku dharka ku dhaqan jireen kuna qubeysan jireen, magaca Shangaanina uu meeshaas kasoo ifbaxay.
Buurtaan ay sheegeen in magaca shangaani uu ka yimid ayey tilmaameen in magaalada Muqdisho ay wax xoogaa ka fogeyd oo ay ku taalay meel saacad iyo bar looga luggooyo Muqdisho.
Yey Ahaayeen Dadkii Ugu Horeeyey Ee Muqdisho Daga?
Waxay sheegeen taariikh-yahanadu in dadkii ugu horreeyey ee dega magaalada Muqdisho ay ahaayeen dad Carab ah oo ka yimid Jasiiratul-Carab.
Waxay sheegayaan taariikhyahanadu in dadka Carabta ahi ay Muqdisho soo dageen 2055 sano ka hor, taasoo noqoneysa xilli ka horreeya dhalashadii Nebi Ciise Calayhi Salaam.
Dadka xilligaas soo degay Muqdisho inkastoo lagu tilmaamay Carab haddana waxaa la sheegaa in ay midab ahaan kala duwanaayeen oo qaarkood cadcaddaayeen, qaarkoodna ay maariin ahaayeen, iyadoo ay jireen qaar kale oo leh midabo kuwaasi ka duwan balse ka agdhow.

Qeybtii 3-aad
Soomaaliya markii ay soo dageen dadyowga Carbeed ee ka yimid Jaziiradda Carabta waxay saameyn ku yeesheen magaalooyinka Xeebaha ah oo ugu badnaa meelaha ay dageen, sidaas darteed ayey Soomaalidu maadaama ay yihiin dad Muslim ah waxa ay qaateen madaahibta fiqhiga ee Islaamka.
Shariif Caydaruus oo ka mid ah raga wax ka qoray Taariikhda Soomaalida waxa uu leeyahay: Soomaalidu waxa ay waqti hore qaateen madaahibta shaaficiyada iyo xanbaliyada, iyadoo qaar ka imid ahna ay kala haystaan madaahibta maalikiyada iyo xanafyada.
Yaa Garta U Goyn Jiray Soomaalidii Hore?
Waxay sheegeen taariikhyahanadu in Soomaalidu ay xilliyadoodii hore ahaayeen dad kooxo kooxo ama qeybo qeybo ah, isla markaana aan lahayn Suldaan, balse waxay qolo walba lahaan jirtay Sheekh kaasoo ay ka amar qaataan.
Wax kasta oo dhaca waxaa loola laaban jiray Sheekha qoladu ay leedahay, waxaana wadaadada xilligaas loo arki jiray kuwa ugu horreeya bulshada, wax la sameyn jirayna ma jirin, iyadoo aan laga amar qaadan.
Xittaa marka ay dad ganacsato ahi dibadaha ka yimaadaan waxaa qasab ahayd in marka hore ay ku soo dagaan Sheekha deegaankaas looga dambeeyo, isla markaana uu uga warramo danaha uu u socdo, markaas kaddib ayuuna Ganacsadaha dibadda ka yimid uu howlihiisa qabsan jiray.
Soomaalidu waxay ka mid ahaan jireen dadka caqiidada toosan ee Islaamka sida adag ugu dhagan, waxayna u safri jireen dhulalka baadiyaha ah iyo tuulooyinka fog fog iyagoo bilo maqnaanaya si ay u soo bartaan Diinta Islaamka, mana saameyn afkaarihii lagu faafinayey masiixiyadda ee lagula dagaalamayey Diinta Islaamka.
Dadka Soomaalida ahi waxay dhulalkooda ka dhiseen masaajidyo fara badan iyadoo weligeedba magaalada Muqdisho ahaan jirtay magaalada ugu masaajidda badan dalka Soomaaliya.
Masaajiddii waqtiyadii la soo dhaafay ku ooli jiray Muqdisho waxaa ka mid ahaa Masjiddu Nuurul Cayn, Masjiddu Sheekh Aweys,, Masjiddu Al-Nuur, Masjiddu Rowda, Masjiddu Raxma, Masjiddu Al-Riyad, Jaamacyadii Xamarweyne iyo Shangaani iyo Jaamaciii Marwaas.
Magaalada Muqdisho marka masaajidka loo magacaabayo Sheekh khudbadda ka akhriya waxaa qasab ahayd in marka hore ay isku raacsan yihiin odayaasha qabaa?ilada ee xaafadda Masaajidku ku yaalo degan, waxayna ka hor inta uusan Masaajidka khudbadda ka bilaabin saari jireen 40-qadmo.
Sanadkii 1337 Hijriyada ayaa waxaa Masaajid ku ooli jiray degmada Shangaani khilaaf ku dhexmaray qabiiladii Asharaafta iyo Aala-camuuddi oo xaafaddaas wada degnaan jiray, waxaana dhalatay in ay labo Masjid Salaadda Jimcaha ku kala oogaan iyadoo markii hore hal masjid oo kaliya Salaadda Jimcaha ku wada dukan jiray.
Khilaafka dhexmaray labadaas beelood wuxuu socday muddo labo sano ah, waxaana 20-kii bishii Dulqacda sanadkii 1339-kii hijriyada, kuna beegnayd 1929-kii Miilaadiyada soo fara geliyey khilaafkooda dowladdii Talyaaniga ee xilligaas dalka gumeysaneysay.
Xilligaas waxaa dowladda Hoose ee Muqdisho haystay nin Talyaani ah oo la oron jiray Carlo Ofoolyo, waxaana arrintii xalkeeda galay Talyaanigii iyo qabaa?iladii Soomaalida ee deganaa Muqdisho iyo Baadiyaheeda, iyadoo Culimaduna ay doorka ugu muhiimsan ka qaateen xalinta khilaafka labadaas dhinac.
Waxay dhinacyadii dhex dhexaadintu ku guuleysteen in labadaasi beelood ee wada deganaa Shangaani ay Salaadda Jimcaha ku wada dukadaan Masaajidkii ay horey ugu wada dukan jireen, iyadoo khilaafkuna uu salka ku hayey Asharaafta oo isu arkayey in xaqiraadi uga imaaneyso dhinaca Reer Aala-camuudi.
Shariif Caydaruus waxa uu sheegay in uu isagu helay nuqul ka mid ah heshiiskii lagu dhex dhexaadiyey labadaasi beelood isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu ku qornaa Afafka Carabiga iyo Talyaaniga isla markaana ay wada saxiixeen hoggaamiyeyaashii Asharaafta, Hoggaamiyeyaaha reer Al-Camuud, Culimadii dalka Soomaaliya ee xilligaas iyo Duubabkii heshiiskaasi gob jooga ka ahaa.

Qeybtii 4-aad
Magaalada Muqdisho taariikhdii ay jirtay waxaa soo maray dhowr xukuumadood iyo boqortooyo oo kala geddisan oo mid walba waqtigeeda ay soo qaadatay
Qarnigii 8-aad ee Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho xukumayey sida taariikh-yahanadu sheegeen nin Wadaad ahaa oo la oran jiray Abuubakar Fakhrudiin, waxayna xukuumaddani ku aasaasantay hab wadatashi, xilligaasna ma jirin Boqor ama Suldaan, balse waxay qolo walba ka dambeyn jireen Sheekha ay leeyihiin.
Xukuumaddaas ku dhisneyd wadatashiga waxay dhalatay kaddib markii qabaa?iladii deganaa Muqdisho ay shir dhowr maalmood qaatay ku yeesheen goobta uu hadda ku yaalo masjidka Arbaca rukun oo ay markaas oron jireen Al-Malmalah.
Abuubakar Fakhrudiin wuxuu Muqdisho xukumayey muddo 17 sano ah, wuxuuna xukunkiisu soo gaba gaboobay sanadkii 1117 ee Miilaadiyada.
Dadkii xilligaasi deganaa magaalada Muqdisho waxay u badnaayeen dad ganacsato ah, waxayna ka tijaareysan jireen Geella, Lo?da, Ariga, maqaarka xayawaanaadka, sameynta dharka iyo beerashada, waxayna gaareen in ay dibadda badeeco u dhoofiyaan sida raashinka, subaga, Saliidda iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka ah, iyagoo ku soo beddelan jiray badeecooyin kala duwan oo markaas aan deegaankooda laga helin.
Dadka ku noolaa Muqdisho waxay sidaas ku soo socdeen ilaa saddex boqol oo sano oo ah ilaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada.

Dowladdii Xalwaan
Bilowgii qarnigii 15-aad ee Hijriyada kuna beegneyd qarnigii bilawgii qarnigii 12-aad ee Miilaadiyada, markaas oo uu dhamaaday waqtiga xukuumaddii Abuubakar Fakhrudiin ee Muqdisho xukumi jirtay ayaa waxaa talada Gobolka Banaadir la wareegay xaakim la oron jiray Muxamed Shaah AL-xalwaani oo ka yimid dhinaca Ciraaq iyadoo magaca Xalwaana uu ahaa deegaano ka tirsanaan jiray dhulka Ciraaq oo uu ka yimid.
Dowladdaas waxaa caasimad u ahayd magaalada Merka, balse Shaahii Xalwaaniga ahaa wuxuu deganaan jiray Muqdisho, sidaas ayeyna Muqdisho caasimad ugu noqotay Soomaaliya.
Wasiirkii Shaahaas oo la oron jiray Kandarshaah ayaa isaga waxaa fariisin u ahayd meel ku dhaweyd magaalada Merka, waxaana xilligaas dadka Merka ay Salaadda Jimcada u soo aadi jireen Muqdisho maadaama aaney xilligaas Merka lehayn Masjid weyn oo jaamac ah, waxayna soo raaci jireen gaari-farasyo kiiba ay jiidayaan todobo ilaa sagaal Faras.
Dowladdii Xalwaan waxay caan ku ahayd baqiiltinimada oo waxay ahaayeen Maamul aan waxba u qaban dadka ay xukumayaan iyagoo weliba ahaa dad hantiilayaal ah balse aaney taas ku kalifeyn tabardarro xagga miisaaniyadda ahayd.
Xubnihii ka tirsanaa dowladdaas waxay kaloo caan ku ahaayeen kaydsiga Dahabka iyo fidada oo ah Nuuc ka mid ah dahabka lagana samayn jiray lacagta, mid kasta oo ka mid ahna waxaa ugu duugnaan jiray dhulka hoostiisa dahab aad u fara badan.
Heerka ay gaartay baqiiltimadooda, waxay ahaayeen mas?uuliyiinta xukuumaddii Xalwaan kuwo cuna moofo qaleyl ah, waxayna qaadan jireen dhar kakan, waxayna inta badan raashin cuni jireen 24-kii saacba mar, waxaana dadka reer Banaadir markii dambe ka dhigteen madaxda xukuumaddii Xalwaan hal qabsi, iyagoo dhihi jiray qofkii ay hanti fara badan oo aaney ka muuqan ku arkaan ?Kani waa Xalwaani?.
Sanadihii dowladdaan waxaa dalka ka dhacay abaar aad u xoog badneyd taasoo dadkii xilligaa deganaa Banaadir ay ku miisaaliyeen sanadihii abaareed ee dalka Masar ku dhacay xilligii Nebi Yuusuf iyo amiirkii Caziiz.
Waxay keentay abaartaasi in dadku waayaan wax ay laqaan, waxaana yaraaday xoolaha ilaa hal neef oo Ari ah lagu waayo hal Riyaal, iyadoo riyaalkuna uu xilligaas u dhigmayay kun Riyaal amaba ka badan oo waqtigaan joogta.
Xukuumaddaas ku caan baxday gaajada iyo quud cariirinta ee Xalwaan waxay Banaadir xukumaysay ku dhawaad nusqarni, waxaana maamulkii kala wareegay dowlad kale oo la oron jiray Zowzan oo aan ka sheekeyn doono.
Qoraalada ka sheekeynaya dowladdii Xalwaan waxaa laga helay iyadoo gacan ku qoraal ah muftigii Banaadir ee xilligaas oo la oron jiray Sheekh uxuyadiin Macalin Mukaram.

Qeybtii 5-aad
Xukuumaddii Zowzan
Bartamihii qarnigii 5-aad ee hijriyada waxaa magaalada Muqdisho maamulkeeda dowladdii Xalwaan kala wareegay Suldaan la oran jiray Zowzan, kaasoo madax u ahaa saldanad dhowr sanadood Muqdisho ka talineysay.
Taariikhyahanadu marka ay ka hadlayaan xukuumaddii Zowzan waxay sheegaan in Zowzan uu ahaa nin kaligii talis ah oo ku amar ku taagleyn jiray dadkii uu xukumayey.
Xukunka Zowzan ma ahayn mid ay ku qanacsan yihiin dadkii xilligaas ku noolaa magaalada Muqdisho balse waxay ahaayeen dad uu qasbayo.
Maamulkii Zowzan.
Saldanaddii Zowzan marnaba iskuma mashquulin danaha dalka, awoodna ma saarin kor u qaadista wax soo saarka beeraha oo xilligaas si weyn nolosha dunidu ugu tiirsaneyd.
Waqtigii ay saldanadaasi ka talineysay Muqdisho wuxuu ku dhamaaday fowdo iyo abaaro joogto ah ilaa ay ka burburto xukuumaddii Zowzan gaba gabadii qarnigii 5-aad ee Hijriyada, waxaana xukunka kala wareegay xukuumaddii shiiraaziyiinta.

Xukuumadii Shiiraazi:
Dhammaadkii qarnigii 5-aad ee Hijriyada markii ay iskeed u baaba?day saldanaddii uu madaxda ka ahaa Zowzan ee Muqdisho ka talin jirtay waxaa xukunka soo koray xaakim kale oo la oron jiray Shiiraazi.
Xaakimkaas wuxuu ahaa nin Maamulkana haya, lugna ku leh Arrimaha Ganacsiga.
Wuxuu dadka beeraleyda ah ka iibsan jiray raashinka ay beertaan, wuxuuna ku aasi jiray dhulka hoostiisa, isagoo marka hore ugala wareegaya qiimo aad u jaban, marka dambana ku gadanayay lacago dulsaar ah oo fara badan.
Wuxuu ahaa xaakimkaasi mid halkii Bukaar ama labadii Bukaar dadka uga iibisanaya hal Riyaal, wuxuuna marka raashinku gabaabsi noqdo labadii Kiilo dadka uga gadi jiray hal Riyaal, taasoo dhalisay in dadku awoodi waayaan iibsashada raashinka.
Waxay arrintaasi sababtay in Macluul xuni dhalato oo dadku ay ku sigteen in ay baahi u la?daan, maadaama raashinkii uu gacantiisa ku soo haray, isla markaana uu ku gadanayo qiimo sarreeya.
Inkastoo xaakimkaas shiiraaziga ahaa lagu dhaleeceyn jiray arrimahaas xun xun haddana wuxuu lahaa waxyaabo kale oo wan wanaagsanaa, waxaana ka mid ahaa wanaagyadiisii dhisitaanka Masjidkii Axnaafta oo uu ka dhisay deegaanka Shangaani, wuxuuna masaajidkaasi ka dhsnaa goobta uu mar dambe ku ooli jiray Baar Safooya.

Maamukii Masar ee Muqdisho:-
Magaalada Muqdisho waxaa xukunkeeda ku kala dambeeyey oo isu soo dhaafay Maamulo fara badan oo dadkoodu ka soo kala jeedeen dalal ajnabi ah, halka qaarna ay ka soo jeedeen Soomaalida.
Sanadkii 604 ee Hijriyada waxaa dalka Masar ka soo tagay xaakim la oron jiray Amiir Muxamed Cali, wuxuuna la wareegay xukunka magaalada Muqdisho.
Taariikhyahanadu marka ay ka sheekeynayaan ninkaas kama sheegin xumaano uu kula kacay dadkii deganaa Muqdisho, balse waxay sheegaan waxyaabo wan wanaagsan oo ninkaasi uu u sameeyey reer Muqdisho.
Markii uu soo gaaray Muqdisho waxaa uu ka dhisay ilaa 80 daarood oo waaweyn, wuxuuna sidoo kale dhisay masaajidyo dhowr ah oo mid ka mid ah loogu magac darray Max?ed koowaad, kan labaadna loogu magac darray Max?ed-kii labaad iyo Masjidka Arbaca rukun.
Dhul mareenkii Ibnu Badduudda Iyo Tilmaamihii Uu Ka Bixiyey Muqdisho
Sanadkii 738-dii Hijriyada, kuna beegneyd 1238 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo booqday dhul mareenka caanka ahaa ee la oron jiray Abuu Cabdalla Max;?ed Bin Cabdalla Bin Muxamed Bin Ibraahiim Al-danji, dalalka Barigana looga aqoon jiray Shamsu Diin ama Ibnu Baduudda.
Dhul mareenkii Ibnu Baduudda oo caan ku ahaa ku dawaafidda dhulal fara badan oo dunida ah ayaa markii uu soo gaaray Muqdisho tilmaamo ka bixiyey dadkii xilligaas ku noolaa isagoo ku daray Kitaab uu qoray oo la yiraahdo Tuxfatu Al-nadaar Fii Qaraa?ibi Al-Amsaar, kaasoo ka sheekeynayey cajaa?ibta magaalooyinkii dunida ee xilligaas uu maray.
Tilmaamihii uu ka bixiyey dadkii Muqdisho xilligaasi ku noolaa ayaa waxaa ka mid ahaa in dadkaasi ahaayeen dad firfircoon oo sameeya dharka una iibgeeya dalal Masar ka mid tahay, isla markaana ahaa dad hodon ku ahaa Xoolaha sida Geella oo maalin ay gowracan jiray ilaa 200 oo Geel ah, iyagoo sidoo kalana haystay Ari fara badan.
Wuxuu tilmaamay Ibnu Baduudda in dadkii ku noolaa xilligaas Muqdisho ay ahaayeen dad isla weyn, maadaama ay hodon ahaayeen, isagoo tilmaamay in caadooyinkooda ay ka mid ahayd in marka Markab ku soo xirto Dekaddooda intey Doomo qaataan ka soo dajiyaan Ganacsatada cusub ee la socota si ay gurigooda u geeyaan ula saaxiibaana.

Qeybtii 6-aad
Wuxuu tilmaamay Ibnu Baduudda in dadkii ku noolaa xilligaas Muqdisho ay ahaayeen dad isla weyn, maadaama ay hodon ahaayeen, isagoo tilmaamay in caadooyinkooda ay ka mid ahayd in marka Markab ku soo xirto Dekaddooda intey Doomo qaataan ka soo dajiyaan Ganacsatada cusub ee la socota si ay gurigooda u geeyaan ula saaxiibaana,
Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in Markabkii uu saarnaa goortii uu ku xirtay Dekadda Muqdisho ay soo koreen dhalinyaro, isla markaana saaxiibadiisa qaarkood dhalinyaradii u sheegeen in ninkani uusan ahayn Ganacsade, balse uu yahay nin Faqiih ah oo yaqaana fiqhiga islaamka.
Dhalinyaradii ayaa ku qeyliyey markii ay ogaadeen in Ibnu Badduuda uusan ganacsade ahayn ?Kani wuxuu u soo degay qaaliga?, waxaana durbadii soo abaaray nin ka socday qaaliga Muqdisho oo isaguna Markabka ka eeg eegayey cid wal oo howshooda oo kale u socota.
Ibnu Badduuda wuxuu sheegay in loo geeyey qaaligii isla markaana ay salaanta islaamka iska qaadeen, dabadeedna uu qaaligii u sheegay in uu u geynayo Suldaankii xilligaa ka talin jiray Muqdisho, iyadoo caadaduna ahayd in marka nin Faqiih ah uu soo dago la tusiyo Suldaanka, durbadiina waxaa Ibnu Badduuda la horgeeyey Suldaankaas oo la oron jiray Abuubakar Bin Sheekh Cumar oo asal ahaan la sheegay in uu ka soo jeedo dadka barbariyiinta la yiraahdo.
Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in Suldaankaasi uu ku hadlayey afka reer Muqdisho inkastoo haddana uu yaqaanay afka Carabiga.
Ibnu Badduuda markii uu ka sheekeynayey Suldaankaasi wuxuu tilmaamay in caadooyinkiisa ay ka mid ahayd in marka magaalada xeebaheeda uu soo gaaro Markab uu u diro rag u qaabilsan Arrimaha Badaha iyagoo Markabkaasi weydiinaya dhinaca uu ka yimid, dadka la socda, waxyaabaha uu wado, in Ganacsato la socoto iyo in kale.
Raga u qaabilsan Arrimaha Badaha marka ay la kulmaan dadka wata Maraakiibta ayey waxay u soo gudbin jireen Suldaanka, wuxuuna agtiisa dajin jiray ciddii muteysata in ay agtiisa degto sida Culimada iyo Ganacsatada.
Ibnu Badduuda wuxuu tilmaamay in Qaaligii Muqdisho ee xilligaas loona aqoon jiray Ibnul Burhaan Al-Misri in uu ula kacay dhinaca Daartii uu daganaa Suldaanku, isla markaana uu warbixin ka siiyey safarkiisa, isagoo tilmaamay in Suldaankaasi soo dhaweeyey.
Ibnu Badduudda wuxuu sheegay in dadkii xilligaas ku noolaa Muqdisho ay ahaayeen dad si fiican u cuna raashinka qiimihiisu sarreeyo iyo Qudradaha kala duwan, iyadoo halkii qof ee ka mid ah uu cuni jiray inta ay cunaan koox ka mid ah dadkii deganaa halkii uu ka yimid Ibnu Badduuda.
Waxyaabihii uu Ibnu Badduuda ka sheegay dadkii xilligaas ku noolaa Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa in dadkaasi ahaayeen dad aad u cayilan, maadaama ay dhaqaalo ku filan haysteen iyagoo si fiican u cuni jiray, Kalluunka, Hilibka Digaaga, Caanaha iyo Qudradaha kala geddisan.
Wuxuu sheegay Ibnu Badduuda in intii uu ku sugnaa Muqdisho maalin walba saddex jeer raashin la siin jiray, iyadoo markii uu saddex maalmood ku sugnaa Muqdisho.

Qeybtii 7-aad
Booqashadii Marco Polo Ee Muqdisho
Sanadkii 1292 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid bad-mareen caan ahaa oo la oron jiray Marco Polo una dhashay dalka Talyaaniga oo markii dambana dalkiisu ka mid noqday gumeystayaashii kala xukumayey Soomaaliya.
Marco Polo wuxuu ka mid ahaa indheergaradkii qarnigii 13-aad ee Miilaadiyada, wuxuuna Muqdisho soo maray isagoo ka soo laabtay jasiiradda Madagaskar.
Ninkaas Talyaaniga ahaa markii uu safarka ku maray magaalada Muqdisho wuxuu tilmaamo ka bixiyey dadkii xilligaa ku noolaa isagoo sheegay in dadka Soomaalida ahi ay hodon ku ahaayeen dharka laga sameeyo suufka.
Wuxuu kaloo sheegay Marko Polo in dalka Soomaaliya xilligaas si weyn looga helayey maqaarada Geella, Lo?da, Ariga iyo kuwo kale oo markaas loo dhoofin jiray dalal dibadda ah.
Milkiilayaasha Doomihii Hindida ee mari jiray Badweynta Hindiya ayaa Marco Polo tilmaan dheer ka siiyey Bariga Afrika, iyagoo Fangartii Muqdisho ku magacaabay Madagaskar, waxayna ka mid dhigeen jasiirad ku taala waqooyiga Sanjibaar.
Waxaa Marco Polo kaddib yimid nin lagu magacaabi jiray Marten Beham sanadkii 1491-dii Miilaadiyada, iyadoo Sawir qaade xagga Juquraafiga ah oo la socday Marten Beham uu ku tilmaamay Muqdisho isla magaca Jasiiradda Madagaskar.
Soomaaliya Iyo La Macaamilitaankeedii Shiinaha
Horaantii sanadkii 1400 ee Miilaadiyada ayey Soomaaliya macaamil la gashay Imbiraadooriyaddi Shiinaha oo jirtay inta u dhaxaysay sanadihii 1402 ilaa 1425.
Imbiraadooriyaddaas waxaa madax u ahaan jiray Manji Lou, wuxuuna Xeebaha Afrika u soo diray sarkaal la oran jiray Shanji Hou.
Sarkaas ay soo dirtay Imbilaadooriyaddii Shiinaha wuxuu u yimid Xeebaha Afrika in shacabkeedu hoos yimaadaan isla markaana ay canshuur ka uruuriyaan.
Shanji Hou meelihii uu Soomaaliya ka booqday waxaa ka mid ahaa dhulalka Puntland, Muqdisho, Baraawe iyo deegaanada Jubbooyinka.
Sarkaalkaas la oran jiray Shanji Hou wuxuu sheegay in badeecooyinkii Soomaalidu soo saari jiray xilligaas ay ka mid ahaayeen Luubaanta iyo maqaarka Shabeelka.
Wuxuu kaloo sheegay sarkaalkaasi in ciidamada ay lahaayeen Soomaalidu lagu tababari jiray ganitaanka gamuunaha.
Taariikhyahanadu si weyn uga sheekeyn in Soomaalidu xilligaas ay Canshuurta u diiddeen Imbiraadooriyaddii Shiinaha iyo in kale.
Socdaalkii Vasco De Gama Ee Banaadir.
Sanadkii 906-da ee Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1499 Miilaadiyada waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Amiir la oron jiray Vasco De Gama oo u dhashay dalka Burtaqiiska ee Qaaradda Yurub.
Vasco De Gama wuxuu watay lix Markab oo ahaa nooca shiraaca ku socda, wuxuuna soo gaaray magaalada Muqdisho oo xilligaas ka hor la aasaasay.
Magaalada Muqdisho ka hor inta aan Portaqiisku qabsan waxay ahayd magaalo maamulkeedu hoosyimaado 12 oday dhaqameed, isla markaana lahaa awood aad u ballaaran.
Sanadkii 925-kii Hijriyada kuna beegneyd sanadkii 1506-dii Miilaadiyada ayaa niman la kala oron jiray. Lourenco Ravasco iyo Albouquerque ay isku dayeen in ay xukunkii Burtaqiiska kala wareegaan magaalada Muqdisho isla markaana gacanta ku dhigaan.
Isku daygii labadaasi nin wuxuu fashilmay kumana guuleysan hamigoodii ahaa qabsashada Muqdisho.
Isla sanadkaas waxaa ku soo qulqulayey Xeebaha Afrika gaar ahaan Bariga Maraakiib waaweyn oo uu lahaa dalka Purtaqiiska, kuwaas oo uu horkacayey sarkaal la oron jiray Raakunhaa.
Maraakiibtaas ku soo qul qulayey Xeebaha bariga Afrika ee uu lahaa Burtaqiisku waxay ku soo xiranayeen magaalooyinka Muqdisho iyo Baraawe, iyadoo nasiibka magaalada Baraawana uu noqday in Burtaqiisku qabsadaa dabadeedna bililiqo kula kacaan.
Soomaaliya ayaa xilligaas waxaa sii kordhay istiraatijiyadeeda, iyadoo noqotay goob aad muhiim ugu ah awoodihii ku tartamayey gumeysiga Afrikaanka.
Qeybtii 8-aad
Gabagabada Xukunkii Burtaqiiska Ee Soomaaliya
Sanadkii 1076-dii Hijriyada ayuu dhamaaday xukunkii Burtaqiiska ee maamulayey deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya, kaasoo qaatayna muddo sanado ah.
Xukunkii Burtaqiiska ee Soomaaliya waxaa baabi?iyey ciidamo uu watay Amiir la oran jiray Saalim Al-Saarimi oo ka yimid dhinaca Saldanadda Cumaan ee Carbeed.
Amiirkaas Cumaaniga ahaa wuxuu watay ciidamo aad u fara badan, wuxuuna ku wareegay inta badan dhulalka Afrika, isagoo ku guuleystay in dhammaan gumeystayaashii Burtaqiiska uu ka eryo Muqdisho iyo hareeraheeda.
Amiir Saalim ka hor inta aanuu Burtaqiiska ka eryin Soomaaliya wuxuu la galay dagaal adag oo socday muddo dheer, taariikhyahanada qaarna ku sheegeen 50 sano.
Amiir Saalim markii uu gacanta ku dhigay magaalada Muqdisho ayuu qabiil kasta u sameeyey nin u taliya oo ka mid ah odayaashooda.
Amiirkaasi kaddib markii uu hagaajiyey qaabka ay isu xukumayaan Soomaalida, isla markaana uu u dhisay ciidamo ay leeyihiin ayuu dib ugu laabtay saldannadda Cumaan isagoo aad u faraxsan.
Boqorkii xilligaa ka taliyey dalka Cumaan ayuu uga warbixiyey wixii dhexmaray iyaga iyo Burtaqiiska isagoo u sheegay in uu Burtaqiiskii ka soo saaray Muqdisho, dadkii deganaana uu ka dulqaaday duligii Burtaqiiska ayna yihiin dad madaxbannaan, una mahad celinaya Boqortooyada Saldanadda Cumaan.
Xukunkii Boqor Muthafar Ee Muqdisho
Sanadkii 1076-dii Hijriyada markii uu gaba gaboobay xukunkii Burtaqiiska ee Xeebaha Soomaaliya, isla markaana uu Amiir Saalim-kii Burtaqiiska ka saaray Soomaaliya dib ugu laabtay dalkiisii Cumaan ayaa waxaa xukunka deegaanadaan xeebaha ah la wareegay Boqor la oron jiray Muthafir.
Boqorkaasi wuxuu wasiir u magacaabay nin la oron jiray Cusmaan Xaaji Cali, wuxuuna Boqorkani ku dadaalay in uu hormariyo dhismooyinka Muqdisho isagoo deegaanka Shangaani ka dhisay guryo fara badan oo Dhagax ah.
Mar dambe ayaa Boqorkaas oo Carab ahaa waxaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah qabaa?ilada Soomaalida iyagoo dagaal la galay ciidamadiisii, kuna guuleystay in ay ridaan xukunkiisii, waxayna markaas hoggaamiye u doorteen nin la oron jiray Imaam Cumar Hilowle.
Xukuumaddii Ujuuraan
Sanadkii 1085-tii Hijriyada waxaa deegaanada Luuq ilaa Hubyo xukumayey nin loo yaqaanay Ujuuraan magaciisana lagu sheegay Imaam Ciise, wuxuuna ninkani ka talinayey laga soo bilaabo Luuq, Baardheere, Baraawe, Shabeelooyinka oo dhan ilaa Hobyo oo Gobolka Muduga ah.
Xukumahaas loo yaqaanay Ujuuraan waxaa fadhi u ahaa goob ka tirsan Shabeelooyinka, balse ciidamadiisa oo fara badnaa ayaa ku firirsanaa deegaano fara badan oo Banaadir-na ay ka mid tahay.
Ciidamada ka amar qaadanayey xukumahaas waxay ku kaceen kali talinimo iyagoo dhib u geystay dadkii ay xukumayeen, waxaana mar dambe ku yimid daciiftinimo.
Ciidamadii ka amar qaadanayey xukumahaas Ujuuraan waxaa dagaal la galay qaar ka tirsan dadkii daganaa meelo ka mid ah goobihii ay ka talinayeen, waxaana dagaaladaas mid ka mid ah ka dhacay halka loo yaqaano Ceel-Cowl oo u dhaxaysa degmada Ceel-Dheer iyo Masagawaa oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Dagaalkaasi wuxuu dhacay sanadkii 1097-dii Hiriyada, waxaana Ceelkaas lagu magacaabo Ceel-Cowl lagu dilay xukumihii Ujuuraanka.
Xilligii uu talinayey ninkaas loo aqoon jiray Ujuuraan waxaa si weyn loo camiray magaalada Merka ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna xukumahaan Ujuuraanka ahi ku ku abtirsanayay sida Taariikh-yahanada qaar sheegeen Amiir la oron jiray C/kariin Al-Haaddi oo ka mid ahaa Amiiradii dowladdii Cabaasiyiinta, kaasoo Masar ka soo haajiray sanadkii 672.
Suldaankii Hiraab
Sanadkii 1097-dii ayaa markii laga adkaaday ciidamadii xaakimkii Ujuuraan ayaa waxaa xukunka la wareegay Suldaan Hiraab ahaa oo la oron jiray Imaam Max?ed Imaam Axmed.
Sanadkii 1112-dii Hijriyada ayaa waxaa Xeebaha Muqdisho soo gaaray 7 Markab oo ay lahaayeen Burtaqiiska iyagoo doonayey in ay mar kale qabsadaan Muqdisho, waxayna 11 maalmood taagnaayeen Marsada Muqdisho, waxaana loola dagaalamay qaab la yaab leh oo dadka qaar aanay rumaysan karin.
Sida uu sheegay Shariif Cayduruus oo wax ka qoray taariikhda Soomaalidii hore markii Maraakiibtaasi Xeebaha Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa wadatashi isugu yimid Culimadii daganaa Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana loo saaray todobo Sheekh, iyagoo qoray todobo Xersi, dabadeedna la soo qabtay todobo Tuke oo mid kasta oo ka mid ah hal Xersi qoorta looga xiray, dabadeedna ay ula duuleen dhinaca Maraakiibtii todobada ahayd, waxaana dhacday in mid walba markabkii uu ka kor degtay uu quuso.
Qeybtii 9-aad
Dowladdii Barqash Ee Banaadir
Sanadkii 1284-tii Hijriyada ayaa oday dhaqameed la oron jiray Muuse Xuseen oo Biyo-maal ahaa wuxuu fariin qoraal ah u diray Boqor Carbeed oo la oron jiray Saciid Bin Maajid, kana mid ahaa salaadiintii eer Aala Barqash wuxuuna warqaddaasi ugu dhiibay nin la oron jiray Cusmaan Laamow oo reer Baa Muqtaar ahaa (Reer Xeebeed).
Warqadda uu odaygaasi u diray Boqor Saciid ayuu kaga dalbaday in uu soo diro ciidamo xoog leh oo ilaaliya magaalada Merka iyo deegaanada hoos yimaada.
Suldaan Saciid Bin Maajid wuxuu soo diray ciidamadii uu ka dalbaday Muuse Xuseen, wuxuuna Suldaan Saciid ahaa ninkii Saldanaddii cumaaniyiinta u wareejiyey Jasiiradda Sansibaar.
Xilligaas waxaa magaalada Muqdisho ku wareegsanaa darbi ka xiga dhinacyada oo dhan marka laga reebo dhanka Koonfureed, waxayna lahayd magaaladu dhowr irdood oo laga soo galo oo irid kastaahi ay magac lahayd.
Waxay magaaladu kala lahayd Xuduuddo u kala cayiman qabaa?iladii u soo safri jiray, iyadoo qabiil kasta uu lahaa irid uu ka soo galo iyo meel uusan dhaafi Karin.
Marka qabaa?iladu ay ka imaanayaan baadiyaha ee ay soo galayaan magaalada Muqdisho waxay hubkooda dhigi jireen bannaanka iridda ay ka soo galayaan, waxayna gudaha u soo gudbi jireen iyagoo sacabooleey ah, kaasoo ahaa qaanuun uu ku soo rogay magaalada Muqdisho xaakimkii Barqash.
Albaabada goobaha Ganacsiga ee xilligaa Muqdisho ku yiilay waxay ka sameysnaayeen shub adag, lagamana sameyn jirin bir ama Al-waax, taasoo xukuumaddii Barqash ay ku macneysay in ay si weyn uga murgayaan Ammaanka hantida dadweynaha iyo deganaanta dalka.
Waxaa magaalada Muqdisho dadku lacag ahaan u isticmaali jireen waqtigii xukuumaddii Barqash lacag la oron jiray Beeso, waxaana lagu sarrifi jiray Riyaalki ay isticmaali jireen Faransiiska.
Xilligii xukuumaddii Barqash waxaa Muqdisho Suuq Xoolo u ahaa deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, waxaana Suuqaas lagu kala iibsan jiray Ariga, Lo?da iyo Geella, wuxuuna balaciisa ku fadhiyey deegaanada Shangaani iyo Xamarweyne, isagoo soo gaaray xilligii xukuumaddii hore ee Talyaaniga.
Sanadkii 1289-kii ayey ciidamadii Xukuumaddii Barqash ka dhiseen Qalcad weyn agagaarka mgaalada Merka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasoo weli laga dareemayo muuqaalkeeda.
Dadkii Horey U Deganaan Jiray Soomaaliya
Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka Afrika ee dhaca Bariga, kuna teedsan Xeebaha Badweynta Hindiya, waxayna taariikhyahanadu sheegaan in dadkii ugu horreeyey ee Afrika soo daga ahaayeen Zunuujta.
Dadkaan Zunuujta ah ayaa markii ay soo dageen Bariga Afrika waxaa uga daba yimid qabaa?ilada saamiyiinta loo yaqaano ee Carabta ah, markaas ayey is dhexgaleen, waxaana ka dhex dhashay dadka loo yaqaano Baantuuga.
Baantuugu waxay ka mid yihiin dadkii ugu horreeyey ee Soomaaliya dega, waxayna xilligaas ahaan jireen Ugaarsato.
Nin la oron jiray Van Oret ayaa Kitaab la oron jiray Al-kaab oo uu daabacay sanadkii 1907 wuxuu ku sheegay in Baantuugu asal ahaan ka soo jeedaan jasiiradda Malqa oo ay u guureen Ciraaq iyo Baabil kaddibna ay u soo wareegeen Soomaaliya, markaas kaddibna ay u sii gudbeen bartamahailaa Koonfurta Afrika.
Qolyaha Baantuuga waxaa Soomaaliya ka cayriyey ka hor qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada qolooyinkii la oron jiray Gaalaha ama Orromada.
Qeybtii 10-aad
. Qolooyinka Gaallaha ama Oromada markii ay Baantuuga badankiis ka eryeen Soomaaliya nabadgelyo ma helin oo waxaa dagaal la galay dadkii Soomaalida ahaa, iyadoo dagaaladaasina ay qaateen muddo dheer.
Inta badan ciidamadii la dagaalamay qolooyinkii Gaallaha waxay ka soo gurgurteen gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, wuxuuna dagaalka u dhaxeeyey Gaallaha iyo Soomaalida socday boqolaal sano.
Dagaalka ayaa sii ballaartay, wuxuuna soo gaaray ilaa Gobolka Mudug, markaas oo ay guushu raacday Soomaalida, iyagoo xilligaasna magaalada Gaalkacyo ka qabsaday kooxihii Gaallaha, xilligaasna magaaladu ma lahayn magacaan Gaalkacyo ee waxay lahaan jirtay magac kale, wuxuuna magacani u baxay markii qolooyinka Gaalaha laga kiciyey magaaladaas.
Xilliga Gaallaha laga kiciyey deegaanada Mudug ayaa lagu sheegay in uu ahaa qarnigii 11-aad ee Miilaadiyada, balse dagaalkaan looga adkaaday kooxaha Gaallaha ayaan noqon mid gebi ahaanba baabi?iyey, balse waxaa jiray qolooyin isla iyaga ah oo deganaa deegaanada shabeelooyinka.
Dagaalkii u dhaxeeyey labada dhinac ayaa markii dambe u soo gudbay dhinaca Shabeelooyinka ilaa si kama dambeys ah kooxihii Gaallaha ama Orromada looga raro dhulalka Shabeelle, wuxuuna waqtigaasi ahaa qarnigii 15-aad ee Miilaadiyada.
Awooddii Gaallaha ayaa gebi ahaanba dhammaatay ama baaba?day qarnigii 18-aad ee Miilaadiyada kaddib dagaalo lagu baaba?ay oo iyaga iyo Soomaalida dhexmaray dhowr boqol oo sano, waxaana xilligaas kaddib dadkii deganaa mandiqaddaan aynu ku nool nahay si rasmi ah u qaateen magaca Soomaaliya.
Qaabkii Ay U Labisan Jireen Soomaalidii Hore
Soomaalidii hore wey ka duwanaayeen xagga labiska Soomaalida imminka jirta, maadaama aysan ahayn dad horumarsan oo ay ahaayeen dad u badnaa juhalo iyo reer miyi.
Xilliyadii hore wuxuu ninka Soomaaliga ahi labisan jiray hal maro oo cad oo dhirirkeedu dhan yahay todobo dhudhun, waxay kaloo qaadan jireen labo maro oo wareegsan oo ay dhexda ku xiran jireen
Haweenka ayaa iyagu xiran jiray marada garaarka iyadoo qaarkoodna ay shaash qaadan jireen, halka qaarka ku nool miyigana aaney aqoonin, waxay sidoo kale qaadan jireen garbasaar.
Tirinta Gabayada Iyo Qabashada Xafladaha Aroosyada
Dadkii ku noolaa Soomaaliyada xilliyadii hore gaar ahaan kuwii reer Muqdisho ahaa waxay caan ku ahaayeen tirinta gabayada, qasiidooyinka iyo garaacista durbaanada ama waxa loo yaqaano Dafka.
Gabayada iyo qasiidooyinka ayey dadkaasi tiring jireen inta badan xilliyada faraxyada sida aroosyada iyo marka ay carruur u dhalato.
Dadkii ku noolaa degmooyika kala geddisan ee Muqdisho waxay xilliyadoodii ugu horreeyey si wada jir ah isagala qeyb qaadan jireen faraxyada iyadoo ciddii hesha wax ay ku faraxdo oo ama aroos ama Carruur soo siyaaddo ah gurigooda inta laysugu tago lagala wada qeyb qaadan jiray faraxaas.
Cadooyinkooda ayaa waxaa ka mid ahaa in marka xafladaha noocaan ah laysugu imaanayo ay safafka hore istaagaan culimada iyo odayaasha, markaasna ay ku xigsadaan dhalinyarada, iyadoo ninka madaxda ah ama gabyaaga ah uu dhexda istaagayey.
Haddii ay xafladda ka soo wada qeybgalaan dhowr mas?uul ama dhowr gabyaa waxaa bartamaha ama dhexda la istaajin jiray kan Gabayga badan ama cilmiga badan ama caansan, taasoo looga jeeday in lagu karaameeyo hibadaaas Ilaaheey siiyey si kuwa kalana ay u sameeyaan dadaal.
Designed By :
Axmed Cabdulahi Axmed Kadiye
Axmed_kadiye@hotmail.com