Abwaan Maxamed Jaamac Kayd oo geeriyooday

Magaalada Hargaysa waxaa maanta ku geeriyooday Maxamad Jaamac Kayd, oo ka mid ahaa abwaanada ku caanka ah hal-abuurka iyo allifaada heesaha.

Maxamad Jaamac Kayd oo Bare ahaan jiray markii dambe, wuxuu ku sii buuxda ugu wareegay fanka oo uu ka tirsanaa Hoboladii Waaberi ee somalia. Kayd allaha u naxariistee sanadahan danbe wuxuu deganaa Hargeysa.

Fanaaniinta ku luuqadaysa y heesihii uu abwaan Kayd allifay waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Jubba iyo Khadra Daahir.



Wariyaha BBC Abdirahman Bidhaan ayaa Khadra Daahir ku wareystay telefoonka Hargeysa oo wax ka waydiiyey taariikh-nololeedkii Abwaan Kayd.