Curadka David Beckham Oo Gacanta Kusoo Dhigay Qalanjo Cusub (Daawo Sawirro)

Wiilka uu dhalay halyeeyga kubadda cagta ee reer England David Beckham ee lagu magacaabo Brooklyn Beckham ayaa waxaa sawirro laga soo qaaday isagoo gabar aan la gareyn kula haasaawaya caasimadda London.

17 sanno jirkaan Brooklyn Beckham iyo quruxleydaan ayaa qosol isla wadaagayey waxayna ka tageen maqaayadda Hampstead markii sawirradaan laga qaaday halkaasoo ay waqtigii qadada hilib ku cuneen.

Brooklyn – waa wiilka ugu weyn ee ay iska dhaleen aabaha caanka ah David iyo gabadha caanka ah, gaar ahaan fanka UK ee Victoria Beckham – gabadhaan ayaana la aaminsan yahay inay tahay lammaantiisa cusub.

Brooklyn ayaa dhowaanahaanba raadinayey gabar uu haasaawe la sameeyo ka dib markii ay bishii lasoo dhaafay kala hareen atariishada dhallinyarada ah Chloe Grace Moretz.




Brooklyn iyo Moretz, sanno 19 jir ah, ayaa si rasmi ah isku shukaansanayey tan iyo bishii May ee sannadkaan, laakiin waxay kala hareen bishii September. Halkaan hoose ka daawo sawirrada laga soo qaaday isagoo la baashaalaya xabaddiisa cusub.