Deeqa Afro oo soo saartay hees ku saabsan Donald Trump

Deeqa Afro oo soo saartay hees ku saabsan Donald Trump

Gabadha Soomaaliyeed ee heesaaga ah Deqa Afro ayaa soo saartay Hees la magac baxday "Donald Trump' taasoo ay kaga codsanayso madaxweynaha la doortay ee Maraykanka inuu aqbalo qowmiyadda Soomaalida Maraykanka ah.
Heesta Donald Trump '
Doorashadiisa ka hor ayaa Mr Trump waxaa ku timid dhaliil, ka dib markii uu sheegay in Soomaalida ku nool Minnesota ay "ku biirayaan ISIS oo ay fidinayaan fikradahooda xagjirnimada".



Deeqa Afro oo magaceeda runta ah uu yahay Deeqa Aadan Muuse, waxay ku dhalatay Ethiopia, waxayna deggan tahay Sweden.
Waxay kaloo ka codsatay dadka soo haajiray inaysan ka cabsan madaxweynaha la doortay.
Heesta waxaa la galiyey baraha bulshada, sida Facebook iyo Youtube.
Qiyaastii 85,000 oo qof oo asalkoodu Soomaali yahay ayaa la sheegaa inay Maraykanka ku nool yihiin.
Trump oo weeraray Soomaalida Minnesota
Ficillada nacaybka miyey kordhayaan ka dib guushii Trump?
Waa kuma Donald Trump?
Trump oo jeediyay hadal muran abuuray
Ra'yi kala duwan ayey ka bixiyeen dadkii baraha bulshada ku daawaday.
Ayaan Xaashi waxay Youtube ku qortay "dhamaanteen dib ayaa naloo celinayaa, ma jiro sharci ninkan (Trump) celin kara".
Axmed Cabdi wuxuu leeyahay "Maxaad uga welwelaysaan dastuurka Maraykanka, Donald Trump wuxuu xaq u leeyahay inuu soo galootiga dib u celiyo".
Hodan Axmed waxay tiri " ma jirto cid khasab idinku celin karta, ku raaxaysta nolosha Ameerika taalla"'



DEEQA AFRO 2016 HEESTII DONALD TRUMP 

Laakin heesta markii lagu shaciyey Facebook ayaa shakhsi la yiraahdo Seno Rita wuxuu ka digay in "Soomaalidu Ameerika ma laha".

thumbnail Title: Deeqa Afro oo soo saartay hees ku saabsan Donald Trump
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-20T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Deeqa Afro oo soo saartay hees ku saabsan Donald Trump



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 20, 2016 and have 0 comments