DEG DEG: Maxaadan Ogeyn oo saaka ka cusub Xaalada Gaalkacyo ?

Wararka aan ka heleyno Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan Ciidamada Puntland iyo Galmudug.

C/llahi Shardi oo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labada ciidan ay weli yihiin kuwo is horfadhiya waxa uuna carab dhabay inuu jiro dhaqdhaqaaq millitery oo labada dhinac ah.

Waxa uu Shardi sheegay in labada ciidan ay sugayaan keliya inay rasaas dhacdo, waxa uuna tilmaamay inay jirto cabsi lixaad leh maadaama labada ciidan aan la kala qaadin.

Labada ciidan ayaa dhufeysyo hor leh ka sameystay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegaya in ay qarka u saaran yihiin in ay isku dhacaan.

Ciidamada Puntland iyo Galmudug ee ku jira furumaha dagaalka ayaa waxaa soo kala gaara ciidamo roondo ah kuwaasi oo u diyaarsan gurmad ahaan.

Dhowrkii asbuuc ee lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada ka dhacaayay dagaalo culus oo ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab u badan oo ku sugnaa xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Dadkii ka baxsaday colaada Magaalada Gaalkacyo ayaa ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.



Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Galbeedka magaalada ay isku farasaaran labada dhinac.