Donald Turmp oo lala carary, xilli uu u Khudbeynaayay dadweyne badan (SAWIRRO)..

Murashaxa Republican-ka  Donald Trump ayaa loola cararay masraxa qeybtiisa dambe kadib markii loo cabsaday noloshiisa, sirdoonka Mareykanka ayaa tilaabadaas qaadey kadib markii ninkan nafsadiisa loo baqay.

Donald Trump waxaa uu xiligaas u khudbeynayey taageerayaasha oo isu yimid Reno, Nevada ayaa waxaa si kadis ah masraxa u soo galay rag amniga ka socdo iyagoo Donald Trump la cararay, 

arrintaas oo shaki iyo buuq ku abuurtay dadkii meesha isugu yimid.
Booliska ayaa la arkey iyagoo xiraya qof, iyagoo sheegay in aaney helin wax hub ah, lama sheegin sabab intaa dhaafsiisan.





Donald Trump waxaa la tartamayaa Hillary Clinton November 8, dadka Mareykanka ayaa dooran doona Madaxweynihii badali lahaa Obama.