Doorashadii Aqalka Hoose ee Jowhar oo war lama filaan laga soo saaray

Doorashadii Aqalka Hoose ee Jowhar oo war lama filaan laga soo saaray

Guddiga doorashada Hir-shabeelle oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa sheegay in dib loo dhigay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka ilaa maalinta arbacada ah.

Gudiga doorashada Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay iney ku howlanayeen xalinta gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Jowhar, laakiin ma aysan sheegin sida laga yeeli doono musharixiintii dartood loogu dagaalamay Jowhar.



Dhawaan Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Maxamed Xasan Nuux ayaa markii uu xaqiiqsaday in looga adkaanayo hadii uu tartamo wareega labaad waxaa uu biloway buuq iyo gacan ka hadal dhex maray ergada labada dhinac taageersaneyd.

Dhanka kale warar lagu kalsoonaan karo ayaa ku waramaya In Ciidamo ka Tirsan kuwa Midowga Afrika Amisom in lagu wareejin doono xarunta shirka Magaalada Jowhar si ay kaga hortagaan in la carqaladeeyo doorashada aqalka hoose.
thumbnail Title: Doorashadii Aqalka Hoose ee Jowhar oo war lama filaan laga soo saaray
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-21T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Doorashadii Aqalka Hoose ee Jowhar oo war lama filaan laga soo saaray



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 21, 2016 and have 0 comments