Koonfur Afrika oo sharci ka soo saartay musharka shaqaalaha

Koonfur Afrika oo sharci ka soo saartay musharka shaqaalaha

Dowladda Koonfur Afrika ayaa soo hindistay qorshe ay ku dooneyso in mushaarka ugu yar ee uu qof la siin karo uu noqdo$242 bishii.
Guddi ay arrintaasi u xilsaartay dowladda Koonfur Afrika ayaa ku taliyay in aan saacaddii qof lagu shaqaaleysiin karin ka yar $1.4 saacaddii.
Guddidu waxay baadhitaanka ku ogaadeen in ku dhawaad boqolkiiba konton dadka shaqeeya ee Koonfur Afrika ay qaataan mushahar ka hooseeya xaddiga loo cayimay inuu ahaado mushaharka ugu yari.

Madaxweyne ku-xigeenka koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in gudida ujeedadoodu aanay ahayn in ay ku jaan gooyaan nolosha dadka xaddiga ugu hooseeya ee musharka la bixiyo. Laakiin in ay tahay uun in ay cayimaan xaddi mushar oo aan wax ka hooseeya la siin karin shaqaalaha.

Dowladdu waxay doonaysaa in ay qaraarkan ku dhaqan geliso muddo laba sannadood ah gudahood, in kasta oo shirkadaha yaryar la siin doono fursad ah ilaa saddex sanadood in ay ku meel mariyaan arrintan.

Waxa la rajaynayaa in wareegtadan cusubi kor u qaadi doono nolosha shaqaale badan oo haatan qaata mushahar aad u yar.
Warka ku saabsan cayimaadda xaddiga mushaharka ugu yar ee la bixin karaa markii uu soo baxay waxa dadku ku qaabileen dareen kala duwan.



Machadka xidhiidhka dadka kala isirka ah ayaa sheegay in arrintani sii yarayn doonto fursadaha ay malaayiinta qof ee bilaa camalka ahi ay ku heli karaan shaqo.


thumbnail Title: Koonfur Afrika oo sharci ka soo saartay musharka shaqaalaha
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-22T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Koonfur Afrika oo sharci ka soo saartay musharka shaqaalaha



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 22, 2016 and have 0 comments