Kumanaan qori gacmeedyo ciidanka amaanka Kenya soo qabteen oo fagaare lagu gubay (Daawo Sawirro)

Kenya ayaa in ka badan shan kun oo Qori goob fagaare ah ku gubtay, iyadoo talaabadan ay qeyb ka tahay ololaha la dagaalanka hubka sharci darrada ah ee gacanta u galaya argagixisada.

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya william Rhuto ayaa goob-joog ka ahaa goobta lagu gubay 5,250 Qori oo noocyada kala duwan ee hubka fud fudud isugu jira.

“Nabadda dalkeenna waxaa hor-taagan hubka ku jira gacmaha qal ayuu yiri Rhuto oo dadweynaha kula hadlay agagaarka Nairobi,halkaas oo lagu gubayay Hubkaasi faraha badan.

Hubkan ayaa lagu soo qabtay howlgalo sanadihii ugu dambeeyey Ciidamada amaanka Kenya ka fuliyeen gudaha dalkaasi, dowlada wadankaasna waxay go’aansatay iney dab qabadsiiso.


 Kumanaan qori gacmeedyo ciidanka amaanka Kenya soo qabteen oo fagaare lagu gubay (Daawo Sawirro)