La Yaabka Dunida Masoo Idlaado: Daawo Dhacdadan La Yaabka Leh Ee Ka Dhacday Dalka Hindiya

La Yaabka Dunida Masoo Idlaado: Daawo Dhacdadan La Yaabka Leh Ee Ka Dhacday Dalka Hindiya

Canug yar oo ku dhalatay dalka Hindiya ayaa ka yaabsatay dhaqaatiir badan oo u dhalatay dalkaasi Hindiya kadib markii ay dhalatay canugtan yar iyada oo aan laheyn wax maqaar ah kaasoo ku daboolan jirkeeda.

Xaaladda ceynkan oo kale waxaa lagu tiriyaa iney tahay mid dhaxaltooyo waana arin u dhacda si dhif iyo naadir ah taasoo keeneysa in qofka uusan laheyn maqaar dada jirkiisa, waxaana lasoo tabinayaa in shaqsiga ku dhasha sidan oo kale uu u baahan yahay daawo joogto ah.



Canugtan yar ee ku dhalatay dalka Hindiya ayaana la dhibaatooneyn neefsashada iyada oo markii hore laga baqayey iney dhibaato dhanka neefta ah soo wajahdo, sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee Mirror.

Baaritaanadii horudhaca ee lagu sameeyey inantan yar ayaa lagu cadeeyey inay la dhibaatooneyso cudurka dhaxaltooyada sida aan kor kusoo xusnay, qoyska inantan yar ay ka dhalatay ayaana ah faqiir (Sabool) waana ay heli waayeen qarashkii lagu daweyn lahaa kahor inta aysan inantan yar kusoo biirin dunida, sida lagu xusay Majalada Mirror.
thumbnail Title: La Yaabka Dunida Masoo Idlaado: Daawo Dhacdadan La Yaabka Leh Ee Ka Dhacday Dalka Hindiya
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-29T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
La Yaabka Dunida Masoo Idlaado: Daawo Dhacdadan La Yaabka Leh Ee Ka Dhacday Dalka Hindiya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 29, 2016 and have 0 comments