Mas’uul Ka Tirsan DFS Oo Lagu Tiriyey Dhimasho Oo Hadane Lama Filaan Hadal Yaab Leh…

Ka dib dagaal culus oo dhawaan ka dhacay degaanka Goofgaduud oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in dadkii ku dhintay dagaalkaasi uu ka mid ahaa Gudoomiyaha degaanka Goofgaduud Xuseen Cabdi Wardheere.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo xigtay in uu dhintay gudoomiyaha degaanka Goofgaduud.

Gudoomiyaha  ayaa sheegay in uu nool yahay ,islamarkaana uu ka badbaaday weerar xoogan oo ay kusoo qaadeen Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in ay khaarajiyeen Al-Shabaab.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalad nolo xumo midii ugu dambeysay ay haysto dadka kunool degaanka Goofgaduud oo ay dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Xarakada Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka koonfur Galbeed ayuu ugu baaqay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay usoo gargaaraan dadka shacabka ee ku dhibaateysan degaanka Goofgaduud ee gobolka Baay.



Degaanka Goofgaduud oo Magaalada Baydhabo u jira 30 km ayaa muddo dhowr maalmood ah dagaal aan joogsi la heyn waxaa uu ku dhexmaray ciidanka dowladda Soomaaliya ,kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-Shabaab.