Qaramada Modoobay oo eedeeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya

Qaramada Modoobay oo eedeeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya

Qaramada Midoobey u qaabilsan cunaqabateynta Saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegtay in ciidanka dowladda Kenya in ay wali dhaqaalo badan ay ka abuuraan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Kooxda lagu magacaabo Monitoring Group ayaa warbixinta  ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay dhuxul aad u farabadan ay ogalaadeen in laga dhoofiyo gudaha Soomaaliya sida ay u qaataan laaluush aad u badan.


Kooxda Monitoring Group ayaa sheegtay intabadan laga dhoofiyo dhuxusha deegaanada ay joogan ciidanka dowladda Kenya , gaar ahaan meelaha fariisinka u ah.
Dhaqaalaha ay ciidanka dowladda Kenya ay ka faaidaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay tahay 12 milion oo dollarka Mareykanka ah.
Taliyeyaasha Ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan  Kismaayo iyo Buur Gaabo ayaa Kooxda Monitoring Group , waxa ay sheegtay in ay horseed wacan ka yihiin dhoofinta dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya.
Kooxda Monitoring Group ayaa sidoo kale xustay in  ku dhawaad 6Million oo kiish oo dhuxul ah laga dhoofiyay fariisinka ciidanka dowladda Kenya ee magaalada  Kismaayo iyo  Sidoo kale Buur Gaabo.
“Ciidanka dowladda Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM Wali waa ay sii wadaan dhoofinta ay ku hayaan dhuxusha Soomaaliya , midaasina waa sharci daro ” ayaa lagu yiri warbixinta Kooxda Monitoring Group.
Dowladda Kenya iyo sidoo kale hogaamiyeyaasha ciidanka Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya wali jawaab kama bixin arintaan
thumbnail Title: Qaramada Modoobay oo eedeeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-06T23:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Qaramada Modoobay oo eedeeyn u jeedisay Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliya



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 06, 2016 and have 0 comments