Ranveer Singh oo lagu maadeystey…YAAB.

Ranveer Singh oo lagu maadeystey…YAAB.

 Showga la jecel yahay ee Koffee With Karan Season 5 ayaa wuxuu xalay ka baxay hillinka Star World India waxayna aheyd xalqadii ugu horreysay ee showgaan.

Shah Rukh Khan ayaa marti ku ahaa showgaan, daadihiyaha showgaan ahna shaqsiga loogu magac daray Karan Johar ayaana inta badan xoogga ku saaray su’aalo la xiriira galmada iyo arrimo kale.


Laakiin daawadeyaashii qeybtii koowaad ee showgaan oo dhan ayaa qosol la dhacay ka dib markii uu Shah Rukh Khan si cajiib ah uga jawaabay su’aal uu weydiiyey Karan oo u dheceysay… Maxaad sameyn laheyd haddii aad hurdada kasoo kacdo adigoo sida Ranveer Singh oo kale ah?

SRK ayaase jawaabta u dhigay qaabkii su’aasha loo weydiiyey oo kale isagoo yiri: “Waxaan u maleynayaa haddii aan ahaan lahaa Ranveer Singh waxaan xiran lahaa marka aan hurdayaba kastuumo jilicsan”. Hal mar ayaana goobta qosol iyo sacab isqabsaday markii uu hadalkaas afkiisa kasii dhammaanayey Shah Rukh Khan.


Shah Rukh Khan ayaa waxaa sidoo kale bandhiggaan Koffee With Karan Season 5 qeybtiisa koowaad kula marti ahaa Alia Bhatt, taasoo uu ammaan ugu qubeeyey wuxuuna daaha ka qaaday inay dhowaan noqon doonto atariisho wanaagsan.

thumbnail Title: Ranveer Singh oo lagu maadeystey…YAAB.
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-08T23:53:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ranveer Singh oo lagu maadeystey…YAAB.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 08, 2016 and have 0 comments