Sababaha Keeni Kara In Qofka Uu Shiid Noqdo Dhamaadka Bil walibo Iyo Siyaabaha Uu Ugu Badbaadi Karo

Inta badan dadka shaqaalaha ayaa ku dhiban jeeb xanuun soo wajaha marka la gaaro dhamaadka bil waliba, xitaa mararka qaar waxaa la arka iyaga oo codsi weydiista saaxiibadooda kale si ay u helaan lacag yar oo ay noloshooda ku maareeyaan.

Hadaba bulsho weynta ku xeran shabakada ilbax waxaan idin heynaa afar sabab oo dhalin karta arinta iyo sida aad u bad baadi laheyd jeeb xanuunka yimaada dhamaadka bisha:



Miisaaniyad la’aanta:

Isku dheeli tir la’aanta ayaa ah sababta ugu weyn ee keenta in qofka marka la gaaro dhamaadka bil waliba inuu dareemo jeeb xanuun ama ay ku timaado qarash yari, Waxaase loogaaga bixi karaa arinkan in qofka uu sameysto buug gacmeed uu ku dajinayo miisaaniyadiisa si uu ugu xisaabtamo wax waliba oo kusoo wajahan ama ku imaan karo.

Cuntada:

Cuntada waxaa lagu tiriyaa iney tahay meesha ugu badan ee baabi isa ama cirib tirta miisaaniyada shaqsiga, inuu qofka dherga marwaliba waxa ay kaga baahan tahay inuu isticmaalo lacag badan oo mushaarkiisa ka tirsan, cunnada laga sameeyo xaafada ayaana ilaalinta karta iney miisaaniyada shaqsiga ahaato mid isku dheeli tiran taasoo ka bad baadineysa inuu lacago fara badan banaanka gurigiisa uu wax ugu cuno.
Kaararka Bangiga:

Isticmaalka kaararka ay bixiyaan ayaa sabab weyn u noqoto in shaqsiga ay hoos u dhacdo miisaaniyadiisa, maxaa yeelay qofka waxa uu si fudud kugula bixi karaa lacagtiisa, taas ayaana sabab u noqon karto inuusan shaqsiga xisaabin lacagaha uu la baxayo mar waliba, Waxaase loogaaga gudbi karaa in shaqsiga uu isticmaalo Checkbook (Jeegga la qora) isaga oo si toos ah uga soo qaadanayo lacag Bangiga uu ku tiirsan yahay todobaadkii hal jeer ama labo jeer.

Isku darka walxaha daruuriga iyo kuwa faan faanka:

qofka ayaa isku qasa ama isku dara waxyaabo lagama maar maanka iyo kuwa laga maarmo mararka qaar waxaase dhacda in shaqsiga uu wax uusan u baahneyn ku bixiyo lacago badan isaga oo ugu dambeyn ay ku dhici karto inuu u waayo qarash wax daruuri u ahaa noloshiisa, waxaase loogaaga bixi karaa in shaqsiga uu marka hore xisaabtamo uuna qarashaadka ugu horeeyo ku bixiyo ashyaada daruuriga ah si uu ugu bad baado dhibaatada qabsan karta.