Sababta Ka Dambeysa Inuu Geeriyooday Mas Qaniinay Gabar Naaskeed Oo La Ogaaday

Sababta Ka Dambeysa Inuu Geeriyooday Mas Qaniinay Gabar Naaskeed Oo La Ogaaday

Mid ka mid ah gabdhaha modelka ah ee ugu caansan Israel ayaa waxaa naaska ka qaniinay mas weyn oo ay ku ciyaareysay. Goordambe ayaana daaha laga qaaday inuu maskaasi u geeriyooday qaniinyadii uu u geystay gabadhaas modelka ah.

Muuqaalkii laga soo duubay waqtigii uu maskaani qaniinayey gabadha caanka ah ee reer Israel Orit Fox ayaa waxaa si weyn loogu wadaagay baraha internetka. Sababtuna waxay tahay gabadhaan ayaa sawirro lama filaan ah la wadaagtay macaamiisheeda baraha bulshada iyadoo ku ciyaareysa maskaan waxayna sawirradaas ku tilmaameysay kuwo ilqabad leh.

Xaalku wuxuu intaas kasii xumaaday markii ay sawirro iska soo qaaday iyadoo carrabkeeda ku taageysa afka maskaas. Waana ugu yaraan wixii maskaas ka careysiiyey. Ilbiriqsiyo ka dibna wuxuu qaniinyo u geystay naaska gabadhaas.

Wixii intaas ka dambeeyey ayaa daaha laga qaaday inuu maskaasi geeriyooday. Laakiin sababtu ma aheyn inuu qaniinay naaska rasmiga ah ee modelka lagu magacaabo Orit Fox. Sababtu waxay aheyd inu qaniinay naaso caag ah oo been abuur ah.



Wararkuna waxay sheegayaan in naasahaas been abuurka ah ay weliba ku jirtay suntan halista ah ee loo yaqaano SILICON POISONING. 

RIIX HALKAAN KA DAAWO

Halkaan ayaad ka daawan kartaa muuqaal arrintaas la xiriira.

thumbnail Title: Sababta Ka Dambeysa Inuu Geeriyooday Mas Qaniinay Gabar Naaskeed Oo La Ogaaday
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-24T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Sababta Ka Dambeysa Inuu Geeriyooday Mas Qaniinay Gabar Naaskeed Oo La Ogaaday



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 24, 2016 and have 0 comments