Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah

Shiinaha ayaa markii ugu horeysay soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah, taasoo aanu qaban karin radaarka.

Laba diyaradood oo ka mid ah nooca casriga ah ee Chendu J-20, ayaa dul haaday mas'uuliyiin iyo shacab ku daawanayay magaalada Juhai ee koonfurta Shiinaha.

Diyaaradahan dagaalka ayaa loo arkaa calaamad muujineysa hamiga xukuumada Beijing ee ay ku casriyeyneyso quwadeeda milateri.


Diyaaradaha dagaalka ee J-20 ayaa waxaa sameeyay warshadda Chengdu, ee qeybta ka ah shirkadda diyaaradaha samaysa ee Shiinaha.

Ayada oo Shiinuha lagu wado in uu noqdo suuqa ugu weyn caalamka ee diyaaradaha sanadaha soo socdo, ayaa dhoola-tuskaan waxa uu Beijing fursad u siinayaa in ay kusoo bandhigto hamigeeda duulimaadyada rayidka iyo sidoo kale kuwa milateri.
Sidoo kale waxaa si weyn loo filayaa daah furidda diyaaradaha badda ku dega ee AG 600, kuwaasi oo ah nooca ugu weyn caalamak, lana filayo in si weyn loogu adeegsado howlgalada baadi goobka iyo samata bixinta dadka iyo sidoo kale ilaalinta badaha Shiinaha.