Tobanaan kun oo ku mudaaharaadaya Seoul

Tobanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seoul, waxay dalbanayaan in ay is casisho madaxwayne Park Gun-hye.

Tiro aad u badan oo booliis ah ayaa la hawl galiyay si ay dibad baxayaasha uga hor istaagaan in ay gaaraan madaxtooyada.



Park waxaa lagu eedeeyay in ay saaxiibadeeed Choi Soon-sil u ogolaatay in ay galaangal u yeelato macluumaadka dawladda iyada oon ruqsad u haysanin.

Madaxwayne Park Gun-hye

Madaxwaynaha oo shacbiyadeedu hoos u dhacday tan iyo intii ay soo baxday fadeexadan ayaa sheegtay "in ay aad u niyad jabtay".
Todobaadkii hore dad mudaaharaadaya ayaa isugu soo ururay bartamaha Seoul iyaga oo qaadaya heeso oo wata boorar ay ku qoran yihiin "Park Geun-hye xilka haka dagto"
Choi ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayaysay in ay lacag badan si aan sharci ahayn uga qaadato shirkadaha Kuuriyada Koonfureed, haddana waxay ku jirtaa xabsi iyada oo ku eedaysan wax is dabomarin iyo ku takrifal awood.