Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo

Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo

Donald Trump ayaa sheegay in muhaajiriin tiradoodu dhexeyso 2 ilaa 3 milyan, oo sharci darro ku jooga Maraykanka uu tarxiilo doono marka uu xafiiska la wareego.

Mr Trump oo wareysi siiyay telefishinka Maraykanka laga leeyahay ee CBS, ayaa sheegay in si gaar ah uu u beegsan doono kuwa dembiyada galay, 



kooxaha burcadka ah iyo kuwa daroogada ka ganacsada ee ka mid ah muhaajiriintaasi.

Waxa uu intaa ku daray in masiirka sideeda milyan ee dheeraadka ah ee sharci darrada ku jooga Maraykanka, go'aan laga gaari doono marka la adkeeyo ammaanka xuduudaha dalkaasi.

Mr Trump ayaa sheegay in qeyb ka mid ah derbiga uu ballanqaaday in uu ka dhisayo soohdinta uu dalkiisa la wadaago Mexico, uu noqon doono silig.


thumbnail Title: Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo
Posted by:galmada Net
Published :2016-11-14T22:01:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Trump oo ka hadlay dadka uu tarxiilayo



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at November 14, 2016 and have 0 comments