UK : Waxbarasho U Dhiganta Jaamacad Oo aan Lacag Laguugu Yeelanayn

Inaaad aadid jaamacad ayaa mar walba loo arkaa inay tahay guusha ugu saraysa ee cilmiga iyo jidka ay maraan dhalinyarada. Laakiin dadka qaar ayaa ka leexanaya caadadan oo qaadanaya waxbarasho ka duwan.

Markii Radhika Parmar oo sagaal iyo toban jir ah ay dhamayso waxbarashadeeda afarta sano iyo barka waxay qaadan doontaa shahaadada BSc Hons Degree ee Digital & Technology Solution. Laakiin Parmar oo ka duwan ardayda kale ma bilaabayso shaqo iyadoo lagu leeyahay lacagtii jaamacada ay ku dhigatay mana raadinayso shaqo.




Parmar ayaa dhamaysay sanadkii ugu horeeyay ee ay ka samaynayso waxbarashadeeda degree-ga shirkadda IT consultancy Capgemini.

Waxay ka shaqaysaa saacado buuxa shirkadda iyadoo ah applications consultant, waxay kororsanaysaa qibrad waxayna qaadanaysaa mishaar iyadoo baranaysa degree.

Ma jirto lacag ay ku bixinayso waxbarashadeeda iyadoo dowladda qarashka qaar inta kalena ay bixinayso shirkadda.

Iyadoo dowladda ay bilaawday habkan 2015, degree-ga nooca apprenticeship ayaa lagu bartaa maadooyinka injineerka iyo teknoolajiyada. Qofka wuxuu qaadanayaa mishaar u dhaxeeya £17,511 oo noqonaya £24,652 markuu waxbarashada dhameeyo.

Radhika Parmar
Radhika Parmar ayaa dhamaysay sanadkii koowaad degree-ga apprenticeship

Waxay ka shaqaysaa saacado buuxa shirkadda iyadoo ah applications consultant, waxay kororsanaysaa qibrad waxayna qaadanaysaa mishaar iyadoo baranaysa degree.

Ma jiro lacag ay ku bixinayso waxbarashadeeda iyadoo dowladda qarashka qaar ay bixinayso inta kalena ay bixinayso shirkadda.

Iyadoo dowladda ay bilaawday habkan 2015, degree-ga nooca apprenticeships ayaa lagu bartaa maadooyinka injineerka iyo and teknoolajiyada. Qofka wuxuu qaadanayaa mishaar u dhaxeeya £17,511 oo noqonaya £24,652 markuu waxbarashada dhameeyo.

Arday qalin jabinaysa
 Ardayda jaamacadaha ka qalan jabiya ayaa laga doonayaa inay bixiyaan lacagta ammaahda ee ay jaamacadda ku dhigteen

Xigasho: BBCSOMALI