Wiil U Dhashay Dalka Indonesia Oo Jaceyl Dartiis U Sameyey Arin Aad U Foolxumo Badan

Wiil dhalinyarro ah oo u dhashay dalka Indonesia ayaa iska jaray xubintiisa taranka isaga oo ku tuuray ceel kadib markii ay go’aansatay saaxiibadiisa iney guursato nin kale.

Wargeysyada kasoo baxa dalka Indonesia ayaa qorayo in 19 sanno jir ku nool halka lagu magacaabo Cilacap Regency uu iska jaray xubintiisa taranka, wiilkan dhalinyarada ah ayaa la dhigay isbitaalka ku yaalo halkaas kadib markii la sheegay inuu aad u dhiig baxay, dhaqaatiirta joogtay ayaase sheegtay iney bad baadiyeen inankan da’da yar.



Maamulaha Isbitaalka oo la hadlayey saxaafada ayaa yiri “Waxa ay aheyd xilli adag markii la inoo keenay wiil aad u dhiig baxayo”.

Maamulaha ayaase hadalkiisa sii raaciyey “Wiilka magaciisa kusoo koobay A M D ayaa diiday inuu cidna kala hadlo wixii ku dhacay isaga, balse ugu dambeyn waxaan ogaanay sababta ku kaliftay arinkaan oo ah in saaxiibadiisa ay go’aansatay iney guursato nin kale”.

Ugu dambeyn wararka waxa ay intaas kusii dareen in wiilkaan uu sidoo kale damcay inuu is dilo kahor inta uusan xubintiisa taranka ku tuurin ceelka si aan loo bad baadin darteed ayuuna sidaas u sameyn rabay.