Xidhibaan Muslim ah oo si geesinimo leh uga dhex adimay fadhiga Baarlamanka Yuhuuda (Daawo Sawirro)

Mudane Muslim ah oo ka tirsan Baarlamanka dowlada Israel ayaa ka dhex addimay Fadhiga Baarlamanka dalkaas, waxaana arintaas si weyn uga carooday masuuliyiinta Yuhuuda.

Talaabada uu ku dhaqaaqay xildhibaankan ayaa timid kadib markii Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu soo jeediyay xeer mamnuucaya Aadaanka Masaajidda.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Axmed Tiibi ayaa adimay ka dib markii lagu soo dhaweeyay codbaahiyaha si uu aragtidiisa uga dhiibto xeerka la soo saaray.

Waxaa uu sidoo kale la soo baxay taleefankiisa gacanta oo uu ka shiday Aadaanka isagoo maqashiyay Xildhibaannada ka qeyb galayey kulankan.

Xildhibaan Tiibi ayaa cambbaareeyay Ra’isal wasaaraha Israel, waxaana uu u sheegay in Islaam naceyb kasta oo uu muujiyo uusan islaamka sidaas ku baaba’eyn.

“Ficilada Islaam naceybka ah ee uu sameynayo Netanyahu waxba uma dhimayaan islaamka, kuna naaqusi mayo, wuu is daalinayaa, dad isaga ka awood weyn oo horey dunida u soo maray ayaa ku fashilmay iney islaamka baabi’yaan” ayuu yiri Axmed Tiibi oo ka soo jeeda carabta Israel.

Falka la yaabka leh ee ku dhaqaaqay Axmed Tiibi ayaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Israel, waxaana talaabadan soo dhoweeyey Carabta laga tirada badan yahay ee ku nool gudaha Israel.