Yaa U Baahan Inuu Soo Iibsado Diyadaroondo Adiga Oo Heysta Agabkan La Yaabka Leh (Daawo)

Iyada oo inta badan dunida xilligan aynu joogta lagu jiro kuleylo ayey dalka caanka ku ah teknoolijiyada ee Japan soo saareen wax difaac u noqonayo aadanaha, Difaac sameeyahan ayaa qofka ka ilaalinayo inuu kululaado ama uu dhidhido (Qoyo).

Japan ka ayaa soo saaray Waki no Shita Kura kadib markii ay arkeen baahida faraha badan soo saarista qalabkan yar ayaa keenayo iney shirkadaha qaar hoos u dhac ku yimaado wax soo saarkooda,Shirkadaha wax soo saarkooda uu hoos u dhacayo waxaa kamid ah shirkadda sameysa Diyadaronda, shirkadda Baraafuunada iyo dhamaan shirkadaha soo saaraha agabka lagu carfiyo kilkilaha.

Waki no Shita Kura waa qalab yar oo ku xerma shaatiga sida ka muuqata sawiradda, qalabkan waxa uu siinaa qofka qabow yar waxaana ku xeran marwaxad qaboojineysa qofa.


Hadaba halkan hoose ka daawo sawirada Qalabkan cusub