BRAZIL OO HOGAAMINAYSA 10-KA WADDAN EE LA ISKU RAACAY IN AY KU NOOLYIHIIN HAWEENKA ADDUUNKA UGU QURUXDA BADAN

BRAZIL OO HOGAAMINAYSA 10-KA WADDAN EE LA ISKU RAACAY IN AY KU NOOLYIHIIN HAWEENKA ADDUUNKA UGU QURUXDA BADAN

Inkasta oo aan Akhriste la isku waafaqsanayn waxa ay tahay quruxi oo ay sharraxaad badan u baahan tahay, quruumaha adduunka ku dhaqanina siyaalo kala duwan ugu qiimaysan tahay quruxdu hadana daraasad Cilmi-baadhiseed oo dhinaca quruxda aadamaha ah gaar ahaan tan haweenka ayaa natiijadeedii waxa ay noqotay in 10 waddan lagu sheegay in ay ku nool yihiin ama u dhasheen haweenka adduunka ugu quruxda badani. Machadka arrimaha Bulshada iyo nolosha dadweynaha adduunka ee loo soo gaabiyo ISL oo fadhigiisu yahay wadanka Jarmalka ayaa bishan horraanteedii waxa uu soo gabagabeeyey Daraasad muddo lix sanadood ah ay ku wadeen baadhitaan ay ku samaynayeen Quruxda haweenka iyo dalalka ay ku noolyihiin haweenka adduunka ugu quruxda badani taasi oo Todobaadkan oodda laga soo qaaday natiijadeedii, inta badana lagu Faafiyay warbaahinta reer Galbeedka. Hadaba 10-ka Waddan ee la sheegay in ay adduunka haweenkoodu ugu qurux badan yihiin waxa ay kala yihiin:

10- Spain:
Haweenka Wadanka Spain ayaa noqday Haweenka Tobnaad ee adduunka ugu quruxda badan. Waxa ay haweenka Spanishku noqdeen haweenka ugu quruxda badan dalalka kulaala Badda Dhexe. Waa haween la sheego in ay yihiin Raalliyooyin dabci wanaagsan oo soo jiidasho leh qorqoran, nadaafad badan aadna u ilaaliya qaab-dhismeedkooda iyo quruxdooda dabiiciga ah.

9- Koonfur Afrika:
Haweenka Ku Nool wadanka Koonfur Afrika ayaa ah Haween la sheego in ay yihiin kuwo aad u qurux badan. Gaar ahaan kuwa iska dhalka ah ee Jinsigoodu ka soo jeedo Afrikaanka iyo Asian-ka. Midabkoodu inta badan yahay Midabka Mas Ciideedka. Waa haween Midabkoodu yahay mid soo jiidasho leh oo Maarriin dhalaal ah.

8: Czech Republic:
Haweenka Waddanka Jamhuuriyadda Czech-gu waxa ay noqdeen Haweenka adduunka ugu quruxda badan ee soo gala Tobanka dal ee ugu quruxda badan. Waa haween aad u qorqoran oo qaab-dhismeedkooda iyo quruxda wajigoodu aad u sarrayso. Warbixintani waxa ay leedahay haddii aanad ku qancin arrintan bal safar ku tag Magaalooyinka wadanka Czech-ga oo waddooyinkiisa Lugee waxa aad yaabi doontaa quruxda Ilaahay ku mannaystay haweenkaasi.

7: Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran:
Haween Weynaha u dhashay wadanka Iiraan ama Faaris. Waa Haween taariikh ahaan ab ka ab ahaa kuwo lagu majeerto quruxda iyo Haldhaaminada Haweenka Iiraan. Quruxdooda Dabiiciga ah ee Ilaahay siiyay waxa u dheer dabci iyo soo dhawayn wanaagsan oo ay leeyihiin Iiraaniyiintu. Waxa lagu tilmaamaa haweenka ugu maamul iyo shakhsiyad wanaagsan ee ugu dhiirran ugu awood badan dhinaca Maamulidda iyo garashada.

6. Croatia: 
Haweenka Wadanka Croatia ayaa ah kuwo aad u qurux badan kana mid ah haweenka ugu quruxda badan Yurub iyo adduunkaba. Astaanta lagu yaqaanaa waa Haween Indho waaweyn oo aad u qurux badan.

5. Hindiya:
Haweenka wadanka Hindiya ayaa ka mid ah Haweenka adduunka ugu quruxda badan gaar ahaan Gobolada Badhtamaha Iyo Woqooyiga. Taariikh iyo sooyaal muddo badan soo taagnaa ayay shucuubta adduunku ugu qiraan in Haweenka Hindidu yihiin kuwo quruxdooda la isku raacay waxaanay in badani u haystaan in ay yihiin kuwa adduunka ugu quruxda badan.

4. Sweden:
Haweenka Swedish-ka ah ayaa ka mid ah haweenka adduunka ugu quruxda badan. Timahooda dahabiga ah, dhererkooda iyo garaaraha ayaa lagu majeertaa iyo waliba waji san-qaroor dheer lagu hubsaday. 

Waa haween Indhahoodu Buluug yihiin oo qalbi fiican.

3. Hungary: 
Haweenka wadanka Hungary ayaa iyagana lagu tilmaamaa haweenka adduunka ugu joogga iyo muuqaalka wanaagsan. Waa haween qaabka jidhkooda la isku raacay in ay yihiin kuwa ugu joogga quruxda san. Waxa la sheegaa in quruxda haweenka dalkani salka ku hayso jinsiga iska dhalka ah ee ay yihiin maadaama ay u dhaxeeyaan dalalka Bariga iyo Galbeedka.

2. Japan:
Inkasta oo laga yaabo haddii aad Japan maqasho in maskaxdaada ay ku soo dhacdo dad Indho yaryari hadana Haweenka wadanka Japan waxa ay yihiin kuwo adduunka ugu qurux badan. Haweenka Japanese-ka ahi waa kuwo aad uga Qurux badan haweenka ka soo jeeda dalalka Shiinaha, Kuuriya, Filibiin iyo kuwo kale.

1. Brazil:
Shaki la’aan waxa la isku raacay in Haweenka wadanka Brazil noqdeen kuwa adduunka ugu Quruxda badan. Midabkooda Kafeega ah, quruxdooda jidh ahaaneed iyo muuqaalkooda lala yaabay ee wajigooda, Timahooda iyo dhererkooda ayaa gabi ahaanba noqday haween kaalinta koowaad loo aqoonsaday in ay yihiin dhinaca Horyaalka quruxda.

thumbnail Title: BRAZIL OO HOGAAMINAYSA 10-KA WADDAN EE LA ISKU RAACAY IN AY KU NOOLYIHIIN HAWEENKA ADDUUNKA UGU QURUXDA BADAN
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-16T19:48:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
BRAZIL OO HOGAAMINAYSA 10-KA WADDAN EE LA ISKU RAACAY IN AY KU NOOLYIHIIN HAWEENKA ADDUUNKA UGU QURUXDA BADAN



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 16, 2016 and have 0 comments