Diyaarad Somali Ka Duushay Oo Kenya Bur Ka Geesatay iyo Jomo Kenyatta Oo Howlaha Duulimadka Hakiyay.

Diyaarad Somali Ka Duushay Oo Kenya Bur Ka Geesatay iyo Jomo Kenyatta Oo Howlaha Duulimadka Hakiyay.

Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Kenya ayaa xalay si ku meel gaar ah u  xiray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka dib  markii diyaarad ka tagtay Soomaaliya ay shil burbur u geystay garoonka ay ku gashay halkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxda garoonka Jomo Kenyatta ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay saameyn ku yeelatay adeegyadii ka socday garoonka , islamarkaana muddo is kumeel gaar ah loo xiray garoonka.

Gudoomiyaha Garoonka Jomo Kenyatta ayaa wariyeyaasha u sheegay in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay shil ku gashay gudaha Garoonka , islamarkaana burbur aan badneyn uu  soo gaaray garoonka.

Rakaabkii saarnaa diyaarada oo Soomaali u badnaa waxyeelo masoo gaarin sida uu sheegay gudoomiyaha Garoonka.

Diyaaradihii kasoo degi jiray garoonka ayaa xalay  loo weeciyay Garoonka Magaalada Mombasa iyo garoomo kale.


Garoonka Jomo Kenyatta ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulo badan Qaarada Afrika.
thumbnail Title: Diyaarad Somali Ka Duushay Oo Kenya Bur Ka Geesatay iyo Jomo Kenyatta Oo Howlaha Duulimadka Hakiyay.
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-21T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Diyaarad Somali Ka Duushay Oo Kenya Bur Ka Geesatay iyo Jomo Kenyatta Oo Howlaha Duulimadka Hakiyay.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 21, 2016 and have 0 comments