Iran: Maamulka Israil Waxa Uu Taageeraa Argagaxisada Si Ay U Burburiyaan Wadamada Islaamka

Iran: Maamulka Israil Waxa Uu Taageeraa Argagaxisada Si Ay U Burburiyaan Wadamada Islaamka

Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran Ali Larijani ayaa sheegay in taliska Israel ay caawiyaan kooxaha argagixisada ah si ay ugu faafaan guud ahaan Bariga Dhexe iyadoo ujeedada tahay inay wiiqaan wadamada Muslimiinta.

"Dhibaatooyinka jira iyo ballaarinta kooxaha argagixisada ayaa ka mid ah siyaasadaha taliska dulmiga badan si ay u wiiqaan itaalka quruumaha Muslimka," ayuu ku sheegay Larijani kulan uu la qaatay wafdi baarlamaanka Tunisia ee Tehran ku sugan maalintii axada.



Wuxuu intaa ku daray in dalalka Muslimka inay ka feejignaadaan dhibaatooyinka ka dhan ah gobolka si ay u caawiyaan oo loo soo afjaro.

Larijani ayaa sheegay in Mareykanka iyo taliska Israel ay ku raad joogaan siyaasadda inay ku beeraan muran ka mid ah diinta Islaamka islamarkaana ku baaqay in dhamaan Shiicada iyo Muslimiinta Sunniga ah ka soo hor jeedsadaan falalka argagixisada.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay inay jiraan hogaamiyayaal Muslimiin ah oo ay adeegsanayaan dhagar qabayaasha si ay u kala qaybiyaan oo ay iskugu diraan muslimiinta uguna baaqay kuwaasi inay ka waantoobaan dhagarta lagula dhaqmayo.
thumbnail Title: Iran: Maamulka Israil Waxa Uu Taageeraa Argagaxisada Si Ay U Burburiyaan Wadamada Islaamka
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-12T23:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Iran: Maamulka Israil Waxa Uu Taageeraa Argagaxisada Si Ay U Burburiyaan Wadamada Islaamka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 12, 2016 and have 0 comments