Ka Hor Kulankooda Etihad Stadium; Pep Guardiola Oo Daaha Ka Qaaday Hal Arrin Oo Uusan Weligiis Ku Gaadhi Karin Wenger.

Ka Hor Kulankooda Etihad Stadium; Pep Guardiola Oo Daaha Ka Qaaday Hal Arrin Oo Uusan Weligiis Ku Gaadhi Karin Wenger.

Kulan aad u xaraarad iyo xamaasad badan ayaa caawa ka dhici doona garoonka kooxaha Manchester City ee Etihad Stadium waxaaana waxaana markii u horraysay kulan Premeir League ah isaga hor iman doona labada macallin ee Guardiola iyo Wenger oo kala hogaaminya kooxaha City iyo Arsenal.

Sheekada kulankaan ayaa hadaba sii bilaabatay waxaana macallinka reer Spain ee Guardiola sheegau inuusan weligiis Wenger ku gaadhi doonin hal arrin taas oo uu ku sheegay muddada 20-ka sano ah ee uu maamulayey kooxda Arsenal .



Macallink h-re ee kooxaha Bayern iyo Barcelona ayaa sheegay in uusan xataa weligiis ku fekerin inuu koox layliyo muddada intaas le’eg isagoona labada macallin ee Sir Alex Ferguson iyo Arsene Wenger ay ka reeban yihiin sharciga wakhtiga kubadda cagta adduuka, waa sida uu hadalka u dhigaye .

“Labaatan sano? taas waa mid aan dhaci karin, maxaa yeelay xataa anigu 20 sano wax masii tababari doono” ayuu sheegay Guardiola oo weli qadarin u haya wakhtiga dher ee uu macallin Wenger tababaraha u ahaa Gunners.

“Waxaan u malaynayaa Arsenal , iyo wixii sidoo kale ka dhacay Manchester United xilligii uu maamulayey Sir Ferguson inay yihiin wax ka reeban kubaada cagta ”

Guardiola o hadalkiisa sii wata ayaa yidhi” Waa inaad ahaataa qof furam/nadiif ah , waa inaad ku faraxsanaataa meesha aad ku sugan tahay. Sidoo kale waa in maamuluhu uu kalsooni saa’id ah kugu qabaa adiga. Ma khusayso dhibta ku iman karta ra’yigaaga, Iyaguba[maamulku] way garan karaan waxa aad rabto inaad samayso”

” Anigu waxaan jecelahay inaan badiyaa dhaqaaqo[kooxo kale u wareego] si aan usoo tijaabiyo waxa ka dhacaya meelaha kale , Balse qof kastaa waa uu ka duwan yahay kuwa kale , markaas 20 sano maya maya ” ayuuna Guardiola hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Kooxda Macallin Pep ayaa doonaya inay kaalinta saddexaad ka cidhiidhsadaan kooxda Arsenal oo hal dhibic ka sarraysa , halka kooxda Macallin wengerna ay rajaynayaan inay guul gaadhaan isla markaana ay kusoo laabtaan booska labaad oo ay Fadhido kooxda Liverpool taas oo iyana isniinta La dheele Doonata Everton.
thumbnail Title: Ka Hor Kulankooda Etihad Stadium; Pep Guardiola Oo Daaha Ka Qaaday Hal Arrin Oo Uusan Weligiis Ku Gaadhi Karin Wenger.
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-20T01:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ka Hor Kulankooda Etihad Stadium; Pep Guardiola Oo Daaha Ka Qaaday Hal Arrin Oo Uusan Weligiis Ku Gaadhi Karin Wenger.



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 20, 2016 and have 0 comments