Kenya oo walaac ka qabta in Somaliya ay joojiso qaadka

Kenya oo walaac ka qabta in Somaliya ay joojiso qaadka

Somaliya ayaa markale ku hanjabtay  inay xanibayso qaadka ka yimaada Kenya kadib markii ay Kenya iska dhaga tirtay in ay fuliso heshiiskii ahaa in la isku furo duulimaadyada ka yimaada muqdisho ee taga Nairobi.

Mogadishu ayaa xanibaadii ka qaaday qaadka ka yimaada Kenya bishii September ka dib markii lagu heshiiyay in la isku furo duulimaadyada labada Magaalo ee Mogadishu iyo Nairobi marka la gaaro December 13, 2016, balse heshiiskaas ma hirgelin.

Isbuucii la soo dhaafay saraakiil ka tirsan dowladda feederaalka ayaa Kenya ku eedeeyay in ay ka aamustay heshiiskii ahaa in la joojiyo in lasii maro Wajir oo si toos ah ay duulimaadyada muqdishi u tagaan Nairobi.

“Somalia iyo Kenya waxa ay isku raaceen in la fududeeyo xanibaada maxaa  yeelay  labada garoon  ee Nairobi iyo muqdisho waa lagu hubin karaa ammaanka ka hor inta aan la gelin” ayuu u sheegay Sunday nation sarkaal ka tirsan laanta socdaalka.

“ taasi ma dhicin intii lagu jiray saddexdii bilood ee lagu heshiiyay. Sidaa darted taasi micnaheedu waa in Kenya aysan ka go’neen dhammaan wixi lagu heshiiyay. Anaguna dib ayaan u xanibi doonaa” ayuu yiri sargaalkan.


Kenya ayaa sheegtay in arrintaan baaritaanka ay ugo golleedahay in ay hubiso ammaanka dhammaan rakaabka iyo xamuulka saran diyaaradaha ka hor inta aysan gelin Nairobi, waxa ayna diyaaraduhu si maraan wajir  oo si xooggan loogu baaro, balse  soomaaliya ayaa ku doodaysa in ammaanka dadka dhoofayo si wanaagsan loogu hubiyo muqdisho, waxa ayna sheegeen in garoonka muqdisho uu yahay mid aammaan ah oo la hubiyay dadaka ka dhoofaya.
thumbnail Title: Kenya oo walaac ka qabta in Somaliya ay joojiso qaadka
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-25T21:21:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Kenya oo walaac ka qabta in Somaliya ay joojiso qaadka



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 25, 2016 and have 0 comments