KHIYAANADA IYO BEENTA WAA BURBURIYAHA JACEYLKA!!!

KHIYAANADA IYO BEENTA WAA BURBURIYAHA JACEYLKA!!!

INta Badan waxaa dhacda in labo qof oo Lamaane ah ay si kedis ah oo lama filaan ah isu gariifaan
amaba ku kala tagaan, waxaana inta badan kala tagoodaas ama is gariifkooda sabab looga
dhigaa bilowga haasawahooda oo ay ku unkaan been & hadalo aan jirin oo khayaano ah.
Haddaba beys xumida & been ku shukaansiga ayaa lagu tilmaami karaa kuwa
ugu waaweyn ee ka dambeeya khilaafka soo noqnoqda ee ka dhex dhaca Lamaanayaasha,
waxa aadna arrintan si toos ah uga dhex fahmi kartaa dhaqan
haasawadeedka bulshadeena Soomaaliyeed, waxaana tusaale u soo qaadan
karnaa xikmadda ay ragga qaar ku dhaqmaan ee oranaysa “Naagi been
ayaa lagu soo xero geliyaa runna waa laguu dhaqaa”
haddii aad u fiirsato xikmaddan waxaad
arkaysaa halka ay mushkiladdu ka curato inay tahay guurka salka looga dhigayo beenta, iyadoo la ogyahay in
beentu ay xaaraan tahay haddana wax been sal looga dhigay nafci & naxariis kama ay soo baxaan waayo qofkii been
lagu soo siray markii uu xaqiiqda ogaado wuu ka aamin baxayaa qofkii soo khalday, taasina waa bilowga ismaandhaafka & kala taga lamaanayaasha Caashaq wadaaga noqday.


Ragga oo kaliya beenta ma adeegsadaan oo dumarkuba waxaay hal-  heys ka dhigtaan oraahda
oranaysa “Naagi Kun bey kulmisaa, kowna way kala baxdaa” ku dhaqanka murtidan waxaa ka
dhalanaya khiyaano, waayo dumarka haddii Kun nin ay haasaawe ku kulmiyaan sow ma dhacayso in nin walba hami & Jacayl ku beerma, bal ka waran qofkaas hamiga Jacaylku ku abuurmay haddii mid kale laga raaco sow khiyaano &
sir loo geystay ma aha?.
Dhacdo hadda kahor ku dhacday gabar khiyaameysay wiil saaxiib la ahaa oo muddo badan ka dhur sugayay isagoo
aaminay, balse ay iyadu muddadaas khiyaano & sir Jacayl ku waday ayaa wuxuu wiilkii ka war helay
in gabadhii uu jeclaa ee ballanta kula gashay guurka loo soo sheegay in xafladdii arooskeeda uu dhacayo, wuu beensaday oo ka-ma uusan fileyn, markaasuu tagay goobtii xafladda arooskeeda, markii uu hubsaday in iyada la guursanayo ayuu naxdin la suuxay, wax yar kadib markii uu soo baraarugay ayaa waxaa afkiisa ka soo burqaday tix
gabay habaar ah oo ku bilaabanaysa sidan “Ilaah & Owliyadaan baryiye, Allow af-ku-leeble iga yeel.
Ayaamo nuxuus laguu hoo, oo arooska asaay laguu saar, abeer noqo feera weyn, oo Allow
yaadan dheelin dhallaan, ninkii ku guursada geeriyoo, oo Allow yaadan gelin gandoob, haddey dhalyadeenu dhab tahay, Allow yaadan dhalin dhal nool nool”. Intaas markii uu mariyey ayuu meeshii ka luuday,
balse labo Usbuuc kadib ninkii gabadhaas guursaday xannuun ayaa ku soo booday oo wuu geeriyooday, markaa
kadib ayaa nin walaalkiis ahi dumaalay, isna cudurka TB-da ayuu muddo kadib u dhintay, waxa kale oo guursaday nin kale oo isna ka dhintay, kadibna nin kale ma aysan guursan, wax carruur ahna ma
aysan dhalin oo wiilkii daacadda u ahaa ee ay sirtay habaarkiisii ayaa
asiibay.
thumbnail Title: KHIYAANADA IYO BEENTA WAA BURBURIYAHA JACEYLKA!!!
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-13T06:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
KHIYAANADA IYO BEENTA WAA BURBURIYAHA JACEYLKA!!!



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 13, 2016 and have 0 comments