Masar oo dib u dhigtay qaraar UN oo Israa'iil ku saabsan ka dib walaaca Trump

Masar oo dib u dhigtay qaraar UN oo Israa'iil ku saabsan ka dib walaaca Trump

Waxaa hadda cadaatay in Donald Trump uu farageliyay qaraar ay UN kasoo saari lahayd deegaameynta Israa'iil ee dhulka Falastiin.
Ujeedada qaraarka ayaa ah in la cambaareeyo sida Israa'iil ay usii wado guryaha ay ka dhiseyso dhulka ay ka haysato Falastiin.
Balse hadda waxaa iska muuqata in Donald Trump uu farageliyay si dib loogu dhigo codeynta oo Khamiistii shalay dhici lahayd.
Masar oo markii hore codsatay qaraarka ayaa haddana dalbatay in dib loogu dhigo.

Saraakiisha dalka Masar waxay sheegayaan in madaxweyne Cabdifitax Al-sisi iyo Trump ay arrinta uga wada hadleen telefoon.

Waxaa la sheegayaa inay isku raaceen in maamulka soo galaya ee US la siiyo fursad uu kula tacaalo xaaladda Falastiin.
Sarkaal sare oo ka mid ah Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in qaraarka uu lahaa awood xoog badan, uuna isu bedeli karay mooshin ka dhan ah Israa'iil.
Marka, maamulka Irsaa'iil oo la xiriiray Trump ayaa waxay ka codsadeen inuu farageliyo arrinta, sida xubno ka tirsan Israa'iil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Qorshaha Masar ayaa ahaa in Israa'iil lagu cadaadiyo joojinta dhismayaasha cusub oo ay ku tilmaamtay inay xeerka caalamiga ah ka soo horjeedo.
Waxaa jiray hadallo la isla dhexmaraayo oo ah in maamulka Obama uu doonayay in xilliga ugu dambeysa ee Xafiiska uu u codeeyo qaraarka Masar si golaha amniga uu awood ugu yeesho inuu Israa'iil cambaareeyo.

Saraakiisha Israa'iil iyo madaxweyne Al-sisi ayaa la hadlay Trump, sida muuqato.

Sarkaal ka tirsan maamulka Israa'iil ayaa u sheegay Reuters, in arrintan ay digniin u tahay maamulka Obama, ayna si toos ah ula xiriirayaan madaxweynaha la doortay, Donald Trump.

Mr Trump ayaa xilka madaxweynaha Mareykanka la wareegi doono 20 ka bisha January ee 2017-ka.

Balse, afar dal oo ka mid ah golaha amniga ayaa sheegay in haddii Masar ay gudbin wayso qaraarka, ay ayaga la imaan doonaan mid kale.



New Zealand, Venezuela, Malaysia, iyo Senegal waxay sheegeen inay xaq u leeyihiin inay sii wadaan qaraarka, loona codeeyo.
Afartan dal midkoodna maaha wadan xubin joogta ah ku leh golaha amniga, waxayna kursiga haynayaan laba sano oo keli ah.


thumbnail Title: Masar oo dib u dhigtay qaraar UN oo Israa'iil ku saabsan ka dib walaaca Trump
Posted by:galmada Net
Published :2016-12-24T00:58:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Masar oo dib u dhigtay qaraar UN oo Israa'iil ku saabsan ka dib walaaca Trump



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at December 24, 2016 and have 0 comments