MAXAAD KA TAQAAN 5 NOOC OO RAGGA KA MID AH OO AANAY DUMARKU JECLAYN IN AY NOLOL LA WADAAGAAN?

Inkasta oo ay ku kala duwan yihiin hadana haweenka dunidu waxa ay ka siman yihiin in ay haystaan liis ay ku xardhan yihiin noocyo ka mid ah raga oo aanay jeclaadeen in ay nolosha la wadaagaan. Akhriste waxa aynu qormadan kooban ku eegi doonaa shan nooc oo ka mid ah raga oo aanay haweenku jeclayn in ay guursadaan. Qof kasta noole ah Alle wuxuu siiyay maskax uu kula socdo waxa isaga dan u ah iyo waxa aan dani ugu jirin, muddooyinkii dambe waxa soo if baxay in dumarka ay ka taxadar badan yihiin ragga kadib markii ay kumanaan dumar ahi si aan ka fiirsasho lahayn ay u guursadeen ragg kala dabeecad iyo kala dhaqan duwan, taas oo keentay in ay dumar badani dhibaato kala kulmaan noloshooda ugu danbayna la furay. Hadaba qaladaadkaa badan ee dhacay ayaa keenay in dumar badani ay qaataan talaabooyin adag oo ay kaga foojigan yihiin ragga qaarkii, waxaana kamid ah:
1- Ragga Balwada Leh: inta badan ragga leh balwadda, dumarkoodu cabasho aad u badan ayay ka keenaan taas oo sabab ka dhigtay in haween badani ka feejignaadaan ragga balwadda leh, ceebaha ugu wayn raggan leh balwadda qaabkani qaadka iyo sigaarku ku jiro ayaa la sheegay in ay cadho badan yihiin dulqaadkuna uu aad ugu yarayahay, mar marka qaarna uu miyir doorsanyahay, iyaga oo aan kala saari karin waxa ahmiyadda u leh nolosha lamaanaha ha ahaato mida gurigooda ah ama mid kaleba.
2- Ragga Gacanta Fudud: Ragga sifadan leh inta badan dumarku ma xiiseeyaan mana jecla, haweenaydu waxay u aragtaa qof loo awood sheegtay ama la adoonsanayo ama loo adeegsaday awood, waxana dhacda in dumar badan ka soo haajiraan gurigii ay kula noolayd lamaanaheeda iyada oo dib ugu soo noqota ehelkeeda, cadhadaas ayaa keentay in ay haween badani u dhaga taagaan sababaha ku kalifay in dumar ka soo yaacaan nimankii qabay, waxay noqotay sifadani sifoooyinka ay aad uga fikiraan gabdhaha aan wali la guursan, inta badan iska hubiya nimanka dabcigaas qalaf san leh.
3- Ragga Dumarka Badan:: dabciga dumarka ayaa ah mid ka abuuran in nimanka ay xidhiidhka la leeyiihiin aanay noqon qaar xidhiidh la leh dumar kale, inta badan dumarku ma aaminaan ragga naagaha badan inay xidhiidh la wadaagaan, dhanka kale waxay sheegaan in ninku marka uu dumar badan la socodo aanu lahayn wax ballan qaad ah ama qalbi wax lagu shubto, waa mid u jab iyo walaac, taas oo sababtay in haween badani ay ka dheeraadaan nimanka sheekada badan, haweenka badana hoosta kala socda.
4- Ragga Ad Adag Ama Naxariista Daran: way adagtahay ragga dabcigan leh in ay la wareegaan ama hantiyaan lamaanaha kale qalbigiisa, ragga is xidhxidha ama aaminsan in dumarka aan la tusin waji furan. Dumarka xiligan jira waxay ku daraan ragga noocaas ah liiska madow ee aan marna soo galin dookha ay xiiseeyaan dumarku, badanaa raggan ad adag waxa ku dhaca in ay guurka ka ragaan maadaama ay adagtahay dookh lagu qaataa. inta badan dumarku waxay aad u xiiseeyaan nimanka hadalka la wadaaga ee siiya fursad ay ra’yi ku dhiiban karto, ee u tusa in ay awood leedahay.
5- Ninka Isla Weyn: dumarka qaar waxay u arkaan nimanka islawaynidu ku jirto in ay yihiin niman qadarin aan lahayn oo marna aan eraygeeda ama taladeeda wax kasoo qaadayn laakiin waxa ay la hayaan ragga niyadda u dhisa xitaa haddii wax qaldaan qaab caqli iyo xikmad ku salaysan ugu sheega. Astaamahani waxa ay yihiin kuwo haweenku neceb yihiin.