Sug, aan Salaadaii ku noqdee (Xikmad wacdi ah)

nin ka mid ah dadkii Saalixiinta ahaa ayaa ku daba tukaday nin sheekh ah, ka dib markii Salaadii dhamaatay ayuu ninkii tukinayey waydiiyey ninkii ku daba tukanayey waar heedhe Xagee ka cuntaysaa?

ninkii ayaa yidhi : ii kaadi aan ku noqdo Sallaadii aan kugu daba tukadee! Iimaamkii ayaa yaabay oo yidhi: maxaa ku helee aad ugu noqon salaada? ninkiii ayaa  yidhi: Qofka Rizaaqadiisa ka shakiyaa Alle swt ayuu Jiritaankiisa ka shakiyey ,

 maadaama aad Alle ka shakisan tahay inuu wax Rizaaqo Salaadaan kugu daba tukaday waan ku noqonayaa!

Hussein Jama Guudcade.



Xuquuqda qoraalka lama bedeli karo ogolaansho la'aana lama qaadan karo.