Dalalka Koobka Adduunka ka qaybgala oo 48 laga dhigay

Dalalka Koobka Adduunka ka qaybgala oo 48 laga dhigay

Kooxaha ka qaybgala Koobka Adduunka ayaa laga dhigay 48 dal halkii ay horay uga ahaayeen 32 sida ay go'aamisay Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka ee Fifa.
Isbadalkan ayaa dhaqan gali doona tartanka Koobka Adduunka ee dici doona sanadka 2026 .
Fifa ayaa isbadalkan samaysay ka dib markii ay maanta oo Talaado kulan ku yeesheen magaalada Zurich.


Tirada ciyaaraha ee Koobka Adduunka ayaa noqon donna 80 halkii ay ka ahaayeen 64.
Ballaarintan ayaa noqonaysa middii koobaad ee lagu sameeyo Koobka Adduunka tan iyo 1998-dii.
Waa maxay sababta loo ballaariyay?
Madaxwaynaha Fifa Gianni Infantino ayaa ka dambeeyay qorshahan isaga oo sheegay in loo baahan yahay in Koobka Adduunku uu noqdo "mid ay ka qayb qaataan dalal ka badan kuwa hadda dheela".
Infantino oo ka hadlaya shir ciyaaraha looga hadlayay oo Dubay ka dhacay bishii 12 ee sanadkii tagay ayaa sheegay in ballaarinta dalalka laga faa'iidi doono "in kubadda adduunka oo dhan ay horumarto".

Wuxuu sheegay in aysan jirin hannaan ka wayn in kubadda dal lagu horumariyo in uu ka qaybgalo Koobka Kubadda Adduunka.
Inkastoo uu sheegay in loo baahan yahay in hannaankan uusan noqonin "mid uu dhaqaale ka dambeeyo" haddana waxaa macquul ah in dhaqaale laga faa'iido.
Cilmi baaris ay Fifa laftirkeedu samaysay ayaa lagu qiyaasay in dhaqaalaha Fifa ka soo gala Koobka Adduunka uu gaari doono 5.29 bilyan oo gini marka dalalka ka qaybgalaya ay noqdaan 48, taas oo ka dhigan sare u kac dhaqaale oo dhan 521 milyan oo gini.
thumbnail Title: Dalalka Koobka Adduunka ka qaybgala oo 48 laga dhigay
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-11T03:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Dalalka Koobka Adduunka ka qaybgala oo 48 laga dhigay



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 11, 2017 and have 0 comments