Gabar Arooskeeda isku diyaarisay balse Furiin Wejiga laga saaray !

Gabar Arooskeeda isku diyaarisay balse Furiin Wejiga laga saaray !

Gabar Da’yar oo lagu magacaabo Sahra ismaaciil oo kamid ah Dumarka Soomaaliyeed ee kunool Maagalda Adis-Ababa ee dalka Ethipia waxa ay guur ku wada hishiiyen wiil lagu magacaabo Faysal c/llahi iyagoo durbaba qaban qaabiye xafladii maherkooda.

Waxaa dhacay meherkoodi balse horay kama ay aqal galinee waxa ay ku balameen in ay aqal galkooda ka dhigtaan Todabaad kadib.


Sahra ismaaciil oo la hadleysay bahda wacdaraha ayaa sheegtay in ninkeeda uu furay xili ay ku guda jirtay isu diyaarinta Galbiska Arooskeeda waxaana qeyb kamid ah Gurigeeda ka socday alalaaska iyo mashxarada Arooskeda.


“waxa ay ay aheed xili duhur ah oo dareeynkeyga waxa uu ahaa maalintaas mid aad ukacsan wan farxsana ka hor inta aan maqlin dalaaqada waxaa markaa jirkeyga oo idil ku yiilay calaamadihii Arooska Calashaan cilaankii Arooska ayaan marsanaa dadka oo idil waxa ay sugayeen in ay ay ii galbiyaan gurigii la’ii diyaariye balse taa mey dhicin’ hadaba goor ay saacadu tahay 2 dii duhurnimo oo ay wehliyaan Daqiiqado ayaa waxaa soo dhacay Taleefan waxaa ka qabatay saaxibtay kadib aye aniga ii dhiibtay waxa uu ahaa wiilkii aan ka sugaye guurka waxa uu igu yiri sada tan: Abaayo majecleen in tan oo kale ay dhacdo balse nasiibka ayaa sidaan noqday waxaan arintaan dhan aan usameeynayaa mustaqbalkeega dambe mana doonayo in aan adidaga ku dhibo waayo waxa ay aheey in aan mar hore ka taxadaro guurkaaga sidagana uga fiirsado balse iska ilaaw wixii na soo maray maantana waxa aan go’aansaday in aan joojiyo arooskaaga marka iska key cafi xiligaan laga bilaabo waxa aad tahay qof xur ah Aniga xageeyga waad ka furantahay’ Markii aan intaa maqalay cabaar baan aamusay dadkii goobta ku suganaa dhamaan xageeyga ayeey soo eegen waxa ayna I weydiiyen waxa badalay farxadeeydii lkn waan ujawaabi kari waayo waxaa iga soo haray idho iyo aamusnaan wlhi maalintaasi waxa ay ii aheeyd maalintii iigu muragada badneed waxa halkaasi ku soo afjarmay rajadii aan ka qabay in aan noqdo hooyo guri leh dhanka kale’ wiilka aan doonaye in uu iguursado waxa uu halkaan ujoogay in Leen dibada ah waxaan qaadeysay gabar ay Habaryartii dhashay oo markii hore udooneed taaso maqashay in uu guursanayo waxa ayna ku amartay in gabi ahaanba joojiyo Arooska iyadoo ku dacweysay waalidkeed iyo iyo isaga waalidkiis Faysal kama uu fikir nolasheeysda waxa uu fiirsady oo kaliya in uu yurub ubaxo isla markaana qalbigeeyga dhaawaco waxa uuna maalin kaliya ku baabi’iye rajadii aan ku taamayo mudada dheer”


Sahra ayaa sheegtay in aysan guur dambo ku deg degeeyn oo ay ka fiirsan doonta shaqsiga ay guursaneyso waayo waxa ay sheegtay in kalsooni daro ay kala kulantay guurkeedii ugu horeeye ay ku taameeysay waligeed.


Hadaba bahda wacdaraha nolosha ee wacdaraha.com ayaa sahra kula talisay in ay sabarto Oo aanay ka quusan Nolosheeda kuna dhiirato in ay indha indhayso dhismaha mustaqbal iftiimaya.





thumbnail Title: Gabar Arooskeeda isku diyaarisay balse Furiin Wejiga laga saaray !
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-10T21:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Gabar Arooskeeda isku diyaarisay balse Furiin Wejiga laga saaray !



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 10, 2017 and have 0 comments