Taliyaha Ciidanka Dalka Ugandha oo Booqasho ku Jooga Magaalada Muqdisho (VIDEO)

Taliyaha Ciidanka Dalka Ugandha oo Booqasho ku Jooga Magaalada Muqdisho (VIDEO)

 Taliyaha Ciidanka xooga dalka Uganda General Katumba Wamala ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin maalintii Isniinta ku yimid Magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa Xarunta ciidamada Amiso ee Xalane kulamo kala duwan kula qaatay wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya, ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Amisom iyo Saraakiisha Ciidanka Uganda ee ku sugan dalka Soomaaliya.
General Katumba Wamala ayaa dhinacyadan kala hadlay in la dardar-geliyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, si ay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugala wareegan nabadgelyada dalkooda.


Taliye Katumba Wamala ayaa qoraal ku sheegay in Dowladda Uganda ay dooneyso in la xoojiyo tayada ciidamada ammaanka iyo in dib u dhis ballaaran lagu sameeyo 


Ciidanka Militariga ee dalka Soomaaliya.
thumbnail Title: Taliyaha Ciidanka Dalka Ugandha oo Booqasho ku Jooga Magaalada Muqdisho (VIDEO)
Posted by:galmada Net
Published :2017-01-04T01:00:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Taliyaha Ciidanka Dalka Ugandha oo Booqasho ku Jooga Magaalada Muqdisho (VIDEO)



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at January 04, 2017 and have 0 comments