UAE ayaa ku maalgalinaysa $163 bilyan tamarta nadiifka ah

Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay doonayso inay ku maalgaliso $163 bilyan, mashruuc soo saaraya kala bar tamarta waddanka u baahan yahay oo nadiif ah.
Waddanka oo soo saara shidaal badan ayaa rajaynaya inuu ku guulaysto qorshahan marka la gaaro sanadka 2050, wuxuu sheegay inuu rabo inuu dheeli tiro baahida dhaqaalaha iyo mida deegaanka.
UAE ayaa leh mustaqbal tamar qorax oo badan waxayna doonaysaa inay dhinto isticmaalka shidaalka saliida.
Waddanka ayaa ku jira waddamada ugu badan ee gaaska CO2 hawada ku sii daaya.


UAE ayaa ka danbaysa Qadar, Kuwait iyo Baxrayn liiska Bangiga Adduunka ee gaaska CO2 ee qof walba uu hawada ku sii daayo. t World Bank's worldwide list of CO2 emissions per capita.
Ra'iisalwasaaraha UAE, Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum, ayaa sheegay inuu rajaynayo sanadka markuu yahay 2050, in 44% tamarta uu waddanka u baahan yahay ay ka timaado tamarta nadiifka ah, iyadoo 38% ay ka iman doonto gas, 12% shidaal la nadiifiyay iyo 6% tamarta nukliyeerka.
'Inter Solar Connecting Solar Business' exhibition in Dubai (19 September 2016)
Dubai iyo Abu Dhabi ayaa ugu horeeya qorshaha UAE ay ku doonayso tamarta nadiifka ah :



Bishii June, Dubai ayaa ku dhawaaqday inay doonayso inay dhisto shaldhig korontada tamarta oo la dhamaynayo 2030
2014, Abu Dhabi ayaa furtay saldhiga ugu wayn adduunka ee tamarta qoraxda ku shaqeeya
Shirkadaha ka socdakoonfur Korea ayaa sidoo kale dhisaya afar saldhig oo ku shaqeeya nukliyeer meel u dhow Abu Dhabi, oo la rajaynayo inay soo saaraan 1,400 megawatts sanadka 2020
Dhinaca kale Morocco, Tunisia iyo Yemen ayaa balanqaaday bishii November inay isticmaalaan tamar nadiif ah oo kaliya sanadka markuu yahay 2050.