5 qaab sahlan oo aad jaceyl romantis ugu abuuri karto gacalisadaada

5 qaab sahlan aad ku abuuri karto jaceyl wanaagsan oo romantis ah

Lamaana walbo oo cusub ama mar dhow is guursaday waxey jecelyihiin ineey abuuraan jaceyl wanaagsan oo romantis ah , asagoo jecel qof ba qofka kale inuu farxad galiya xaaskiisa ama ninkeeda ay nolosha isla qeeb sadeen, hadii xariirka lagu dhiso mid isku kalsoonaan iyo jaceyl wuxuu abuuraayaan in labada qof isa sii jeclaadaan gurigoodana noqdo guri nagi.


Inaad abuurto qooys jaceyl ku dhisan oo romantis ah faraxsana maalin walbo waxaa jiro arimo iska fudud oo xariirkiina ka dhigaayo mid farxad ka dhalaalaayo maalin walbo. waxaa kamid ah arimahaas iska sahlan sida soo socoto

Photo: Copyright Unpopulart/Chyntia Andarinie

1 . Dhoola cadeyn
Waxaa lagaaga baahan yahay inaad marwalbo u dhoola cadeyso lamaanahaaga ama lamaantaada taas oo kaso goday qalbiga dacaladiisa
2. Ha iloobin inaad marwalbo ku dhahdo waan ku jeclahay
Haka xishoonin inaad lamaantaada marwalbo ku dhahdo waan ku jeclahay xabiibi ama xabiibti maalinti dhoor jeer
3. Sameey Kulan
Xaaskaaga ama ninkaaga u samey kulan labadiina bas ah oo aad ku sheekeysataan farxadna ku wadaagtaan marwalbo is fiirfiirisaan, labada indho markeey isku eegaan waxaa laga sii qaadaa jaceyl xad dhaaf ah, mar marka qaar sameeya inaad labadiiba bas banaanka kasoo casheysaan adinkoo qof kale idiin wehlineynin labadiina bas ah
4. Xasuuso kulamadiina ugu macaana iyo waqtigaad isla qaadateen
Xasuuso oo maskaxdaada ka baarto xaasuusooyinkii macaanaa labadiina isla soo qaadateen iyo jaceylkii romantiga ahaa ee aad soo sameyn jirteen
5. Banaanka isla aada Magaalada kusoo hawa qaata labadiina
In lamaanahaaga ama lamaantaada aan isla aadaan hawo badalasho banaanka ah meelaha xadiiqooyinka ama gardens ka isla fariisataan kuna soo sheekeysataan ayadoo qofba qofka kale u muujinaayo jaceyl waxaa laga qaada jaceyl xad dhaaf ah ee hamoogaanina arintaan ayadana (Aadan yo)




W/Q: Aadan yo