Boliiska Kenya Oo Joojiyay Aroos Ay Somali Dhigatey, Xabsigana Geliyay Caruuskii Iyo Sababta Oo Cajiib Ah

Boliiska dalka Kenya iyo Dhaqdhaqaaqyahanno kale ayaa shalay ku guuleystay inay joojiyaan Xaflad Guur, oo uu Nin Somali ah oo ka yimid Qurbaha ku guursan lahaa gabar aan weli qaan-gaarin oo iyaduna Soomaaliyad ah.

Gabadha la guursanayey ayaa da’deeda lagu sheegay 14-jir , halka ninka guursanayey uu yahay nin dhallinyar oo 22-jir ah.

Wargeyska the Daily Nation ayaa qoray in ay Boliiska xireen Caruuska oo la sheegay inuu ahaa Qurbo-jooge, Aabaha dhalay gabadha iyo Eedadeed.

Xafladda guurka ayaa la sheegay in si aad ah loo qurxiyey, iyadoo la dhigay meel ku dhow Kollejka Tababarka Macallimiinta ee Gaarisa, iyadoo lagu soo bandhigay Muusikadda dhaqanka u ah Soomaalida.

Dhaqdhaqaaqyahan lagu magacaabo Hassan Ali Ismail, ayaa sheegay inay tahay wax iska caadi ah in ragga Qurbo-joogta u yimaadaan ganacsi ahaan Gaarisa, & si ay u guursadaan gabdhaha dhigta Dugsiyadda, iyagoo Waalidiinta gabdhaha siiya lacagaha.

Gabadha la aroosi lahaa ayaa la sheegay inay tahay ardayad dhigata Dugsi Hoose, waxayna Boliska u gudbiyeen gabadha yar Xarun loogu talagalay in lagu badbaadiyo carruurta, sida uu sheegay Madaxa Xaruntaasi, Simom Chege.