Ma Rabtaa Inaad Si Deg-Deg Ah U Gaadho Guusha Aad Ku Haminayso, Ka Faaidayso

Ma Rabtaa Inaad Si Deg-Deg Ah U Gaadho Guusha Aad Ku Haminayso, Ka Faaidayso

Gabadha caanka ah ee weriyaha ah ee Hodan Naaleeye

Guushu wa wax cayiman waa wax qofkasta yaqaan, waa wax cidii ku sifoowdaa ay dadka kaga tilmaamantay astaamo gaara, loona xiisoodo raacida dariiqa ay mareen, iyadoo arintani jirto hadana ma jirto wado qudha oo guusha kugu hagta waxa laga yaaba halka uu mid inaga midi u maro in ka kuxiga ka waayo, ama qofkasta iyo xaalkasta leeday dariiq u gaara.

Guushu maaha xoolo badan, maaha shaqo badan, mana aha mansab sare, balse guushu wa xasilooni Nafeed iyo daganaansho niyadeed, guushu waa wax qofka u sahla inuu si niyad samana ugu dhex nooladoo bulshadiisa, waxa suura gala inaad wakhti badan ku bixiso waxad u aragto guul weyn, balse qofkale uu kuu arko qof tabcanaya Daal iyo dhib.

Hadii arintu sidan tahay waxa laysku raacsan yahay in noloshu kala duwananshaha ku wacantay kuna micno fiican tahay, balse ay jiran wax yaabo lawadaago si nolosha iyo nafta loogu raro meel ay u aragto munaasib wakhti iyo xaalad go’an, loogana raro meel ay ku qanacday inay wajib tahay in laga baxo ama laga hayaamo, inagoo ka duulayna Mabaadidan guud ee asaasiga waxay qurbo.net isku dayaysaa inay idiin soo gudbiso Astamaha ay ka midaysanyihiin dadka Guusha sameeya noockastooy yihiin.

1. Isbadal: dhaman dadka raba inay nolosha ka sameeyan Guul waxay naftooda ku qanciyan inuu isbadal waajib yahay, waxay hoos iyo korba dadka u codkoodu gadho ugu sheegan in isbadal loo bahan yahay, waxa mararka qar dhacda in lagu arko qof qaldan, balse wa wax nolosha ku caadiya, Nabid Muxamed (CSW), ayaa tusale fiican kugu ah, iyo dhaman dadka nolosha horumarka ka sameyey midkastooy noloshiisa baadho.

2. Humaag iyo ku Qanacsanaan Isbadalku Noocu noqonayo: dhaman dadka nolosha ka sameeyay horumarka waxay ku qanacsanayeen inay gaadhayaan meel ka fiican halkan ay joogan, dhaman waxay madaxa ku haystan sawr ka turjumaya nolosha ay hayaanka ku yihin, waxay markaad la shekaysto ama akhrido buugta taarikhda nololeedkooda ka arkaysa Riyo wakhti ay soo jeedan, taaso adiga kula muuqata hir,balse isaga ula muuqata xaqiiq, wana ta dhaxalsiisa ku adkaynta noloshoda ay raban.

3. Dadaal iyo Karti dheerad: dhamaan dadka macnaha sameeyay ee kugu xeeran haday noqoto sheekh iyo sharifba midkasta wuxu goostay wuxu beertay, midkasta wuxu ku naaloonayaa habeenkiisa iyo maalintiisa intu gashaday, taasina rag iyo haweenba kala geeyay cirka iyo dhulka.

4. ugu danbayntii dadkani waxay sifo u leeyin Ababulka iyo Adeegsida Awooda dadka kale, ama degaanka ku xeeeran, waxay inta badan isku dayaan inay abuurtaan jawi la saxiiba kaaso gacansiiya markay ay hoos marto, sida Xaasas fiican, Lataliyayaal dacaada, iyo cidkasto ay u arkan inay gacan ka siinayso gadhida halka ay raban, waxanay isku dayaan inay yareenay Cadawgooda wakhtiga bilawga ama awood darada.
Sidee ugu fudud ee aad uga bixi kartaa shaqo’la’aanta
Noloshu waa wax dhadhan macaan, waa madal kulmisa oohin iyo farxad, waa meeqam Adamuhu kusoo bandhigo awoodaha Alle siiyay ee kala duwan, waxa hubalaa inaad maalin kasta la kulanto dad ku mashquula arimo kala duwan, mid laga yaabo inu Buug iyo Qalin wakhtigisa galiyay, mid Malgacad iyo dube la kalahay, halka midkale beertiisa ama xoolihiisa ku kalahay, iyadoo sidaa loo kala duwan yahay ayaa hadana hadaad u fiirsato ujeedada ka danbaysa waxaaso dhan ay tahay hal mid: INUU QOFKASTA LASOO BAXO NOLOL MAALMEEDKiISA, SI UU UGA KAFTOOMO BARYADA QAYRKII.

Iyadoo tani jirto ayaa hadana aadamahu isku dhaafay horumarinta iyo tayaynta wuxuu gacanta ku hayo, arintan ayaa ka marag kacaysa inaad aragto dad si dhakhsa u koray jaran jarada nolosha iyagoo wakhtiiyo isxigxiga ka talaabsaday seesas waaweyn, halka kuwa kalena ay suuro gal tahay inay mudo dheer ku qaatan marxalad ama duruuf kaliya.

Hadaba Akhriste hadad rabto inaad ka baxdo shaqo la’aanta ama aad ka dalacdo booska aad kaga jirto goobta aad ka shaqayso isku day inad la timado arimahan:

1.U diyaari naftaada inay la tartanto qayrkeed, ku xisaabtan duruufaha ka jira guud ahan caalamka, dalka, iyo meesha aad ku nooshay, adoo noloshada ka dhigaya mid la jaan qaadi karta isbadalada joogtada ah ee ka socoda deeganka kugu xeeran,

2.kor u qaad xirfadaha qiimaha gaarka ah siinaya shakhsiyadaada, ku qalabee naftadaa Adeegsiga aalada Computerka, xirfadaha baadhida Internet, Barashada Luuqadaha kala duwan wixii kuu suro gala, kor u qaadida xirfadaha qaabilida dadka, ka dhadhicinta dadka waxad rabto, dhisida kalsonida sida dad badan loola hadlo iyo awood ulahansha inad kor u qaado aragtida dadku shaksiyadada ka aaminsanyihin.

3. Go’aanso nooca shaqo eed rabto, ku xidhnow cida ugu dhaw ee aad ka heli karto maclumadkeeda, la saaxib dadka ugu dhaw ee haya, si joogta uga wareyso isbadalada ku dhacaya iyo adeegyada gaarka ee shaqadasi u bahantay, iskuday inaad hesho xirfadaha ay u bahantay adoo raadinaaya goobo aad lacag la’aan uga faa’idaysato, qurbo.net ayaa ku leh kor u qaad rajadada inaad heli doonto, go’aanso waxaad qaban lahayd iyo hadad hesho waxa noloshada iska badali doona, hoos ha udhigin naftaada, hana niyad jabin, si kalsooni leh u qaabil caqabadaha laga yabo inay kaa hor yimaadaan, una diyar garaw maalinta lagugu yeedho in wax laga waydiiyo shaqada aad rabtay adoo si kalsoni leh uga jawaabaya waxkasto o ku saabsan.

4. Nasib wanaag hadaad hayso shaqo, isku day inaad xidhidh adag la samayso dadka aad la shaqayso, adoo ka caawinaya shaqoyinkooda, inaad si xeel dheer u barato nooca iyo waxyabaha laga rabo inad qabato, Aamin Shaqadada iskana dhago tir dhalilaha iyo Cabashoyinka ku lidiga, isku day inaad xidiidh toosa la samayso dadka kaa sareeya adoo ugu yeedhaya munasibadaha kuu gaarka ah, bar naftaada wakhtiga shaqada iyo kala muhiimsananta hawlaha shaqada, raadi inaad hesho qiimaha aad kaga jirto goobta shaqada, baro dhaman wixi xirfada ee aad u hesho wakhtiga shaqada adoo galinaya wakhti iyo tamar dheraada.

5-ugu danbayntii ahaw qof ku socoda meel cayiman, ha noqon qof dabaysha la socoda, ka diga rogo shaqada hadii ay kasoo hor jeedo yoolkaga fog, caawi shaqaalaha kale hadaad ka aragto baahi shaqo ama nololeed, ha ogolaan in aad shaqada awadeed uga tagto himiloyinkaaga iyo ahmiyadahaga nololeed sida :Waxbarashado kale, ka dheero waxkastoo naftada hoos u dhigaya, sida Cabashada, Caajiska, Khiyaamada, Beenta, Laalushka.




thumbnail Title: Ma Rabtaa Inaad Si Deg-Deg Ah U Gaadho Guusha Aad Ku Haminayso, Ka Faaidayso
Posted by:galmada Net
Published :2017-02-14T00:30:00+07:00
Rating: 3.5
Reviewer: 5 Reviews
Ma Rabtaa Inaad Si Deg-Deg Ah U Gaadho Guusha Aad Ku Haminayso, Ka Faaidayso



share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by galmada Net, Published at February 14, 2017 and have 0 comments